Gomez oo laga saaray xulka Jermalka u matalli doono koobka adduunka

Macallinka kooxda Germany, Joachim Low ayaa ku dhawaaqay 30-ka cayaart ee xulka qaranka Jermalka u matelli doono koobka adduunka ee lagu qabanaayo Brazil waxaana laga tagay weerar yahanka Fiorentina, Mario Gomez.

Xiddigii horre Bayern Munich ayaa la sheegay in ay la soo darseen dhaawacyo, waxaana macallin Low uu booskiisa u xusashay xiddig yaraha kooxda Hoffenheim Kevin Volland waxaana ku wehliya dhinaca weerarka Miroslav Klose.
Goolhayaha kooxda, Borussia Monchengladbach, Marc-Andre ter Stegen,oo ku biiray Barcelona xagaaggan ayaa sidoo kale ka maqan liiska cayaartoyda xulka qaranka Jermalka.
Sidoo kale, xiddiga qadka dhexe ee Real Madrid, Sami Khedira ayaa dhaawac ahaan looga reebay xulka.

Germany waxa ay lakulmi doontaa Portugal, Ghana iyo Maraykanka oo ay kuwada jiraan hal Group. United States in the group stages this summer.

Xulka oo buuxa:

Goolahayayaasha : Manuel Neuer (Bayern Munich), Roman Weidenfeller (Borussia Dortmund), Ron-Robert Zieler (Hannover)

Difaacyada: Jerome Boateng (Bayern Munich), Erik Durm (Borussia Dortmund), Kevin Grosskreutz (Borussia Dortmund), Benedikt Howedes (Schalke), Mats Hummels (Borussia Dortmund), Marcell Jansen (Hamburg), Philipp Lahm (Bayern Munich), Per Mertesacker (Arsenal), Shkodran Mustafi (Sampdoria), Marcel Schmelzer (Borussia Dortmund)

Qadka dhexe : Lars Bender (Bayer Leverkusen), Julian Draxler (Schalke), Matthias Ginter (Freiburg), Leon Goretzka (Schalke), Mario Gotze (Bayern Munich), Andre Hahn (Augsburg), Sami Khedira (Real Madrid), Toni Kroos (Bayern Munich), Max Meyer (Schalke), Mesut Ozil (Arsenal), Bastian Schweinsteiger (Bayern Munich)

Dhinaca weerarka : Miroslav Klose (Lazio), Kevin Volland (Hoffenheim), Lukas Podolski (Arsenal), Marco Reus (Borussia Dortmund), Andre Schurrle (Chelsea), Thomas Muller (Bayern Munich)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here