Gollaha Wasiirada oo isku raacay in la furo wadooyinka xiran ee Muqdisho

Gollaha Wasiirada oo isku raacay in la furo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho
Gollaha Wasiirada oo isku raacay in la furo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdishoolaha w

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi.

Kulanka ayaa looga hadlay Wadooyinka Xiran, Xariga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi, iyo Xarigii loo gaystay xalay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Ugu horayntii Wasaaradaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Howlaha Guud iyo Dib u dhiska iyo Amniga Qaranka ayaa golaha usoo jeediyay inay dhibaatooyin kala kulmaan shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho qaar kamid ah wadooyinka muhimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee xiran, waxaana golaha Wasiiradu isku raaceen in la furo wadooyinkaas marka laga reebo wadooyinka qaar oo laga sugayo in Wasaarada Amnigu talo ka bixiso qaabka ugu .haboon ee loo furayo.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dood adag ka yeeshay xarigii Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Mudane Siyaad M Shire oo xalay ay Ciidamadda Amniga Kenya xireen, waxaana goluhu isku raacay xariga Diplumaasiga iyo dhibaatooyinka kale ee dadka Soomaaliyeed kala kulmaan dalka Kenya inay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war cad kasoo saarto.

Kulanka ay galabta yeesheen golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa in la tixgalio cabashooyinka shacabku ay ka muujiyeen wadooyinka sida gaarka loo xiranayo oo ku soo badanaya magaalada Muqdisho. iyo dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen ciidamada amaanka Kenya.

1 COMMENT

  1. Qarnigee la joogaa qarniga 21 aduunka wax badan ayaa is bedeley sharciyada caalamiga ah wadamada madax banaan qararamada midoobey waa in la ilaaliyaa sharafka iyo karaamada dibolamsiyiinta waayo waxay heystaan imunity in aan lagu xadgudbin qof matala wadan kale waxaay tan ay askarta kuukeyda sameeysey waxay ku tusineysaa in ay is moodeen in ay soomaliya ay gumeystaan ama ay ayaga u taliyaan waayo waxay arkeen r/w xauunsan awoodii wadanka siiyey wadamada deriska waxay doonaan sameeyo waqtigey doonaa soo gala xuduudaha soomaliya qofkey rabaan ka kaxaystaan markeey arkeen aqoon la.aanta iyo kibirka ku jiro r/w sidiii nin maseyrsan wuxuu is moodey in uu yahay shaqsi caadi ah waa nin mas.uul nah lagula xisaabtami doono wuxuu u qabtey qaranka iyo shacabka soomaliyeed r/w waxaan oran lahaa ma hurdeysaa ama riyo maalmeed ayaad ku jirtaa hadalo kulkul ayaa loo bahan tahay waayo soomaliya waa wadan xor ah aan la gumeysan maxay tahay ilaa hada in aysan ka soo saarin war cad ama telefoonadaa been loogu sheegey raali gelin been ah ama tvyada iyo idaacadaha aduunkana wax kale ayaan ka aragnaa beritana waxaa lagu been abuurn doonaa safaarada jees jeeska kuu7keyga rafaadka madaxda soomalida ciidamada kuukeyda waa in laga saraa soomaaliya hadii la rabo in ay nabad noqdaan jubooyinka waa in la dhisaa ciidanka xooga dalka waa in sharafka iyo qaranidama soomaliya la ilaaliyaa waayo heybad iyo sharaf waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo 22 shisheeye ciidan iyo kuwa kale oo la rabo in lagu kordhiyo lagama yaabo in ay keenaan babad waayo soomaliya ayaa noqotey ceelkii lacagta shacabkiina waxay ku dhamaadeen xero qaxooti madax kursi jeceyl waaley dad wada munaafaqiin ah beenta nolol ka dhigtey madaxda ma fahmi karaan shirqoolka wadamada deriska hada hagardaamo cad ayaa socoto dhibaatreyn shacab madax wixii la moodey iyo waxay noqdeen hadii la bedelo xataa kuwaan waxba ma dhaami doonaan waayo waa dad wada xanuunsan qalbiga ka wada jirannin walbo wuxuu rabaa madaxweyne wadankana hal madaxweyne ka badan ma yeelan karo sharciga iyo cadaalada waa in loo siman yahah nin cadalad daro sheeganaayo hadana cadalad daro ku dhaqmaayo dowlada r/w khaladkeeda wey fahmi kartaa waa daacadnimo dari,shaki, cabsi talo xumi deg deg dalxiis qorshe la.aan qorsho khaladan mid hal dhinac ah
    mid dad hore ay ku fashilmeen 23 dowladaan xataa hadii aysan awood laheyn waa in ay hadalkeeda kululaado lagana baxo wadamada deriska ay ogadan in soomaliya ay tahay wadan madaxbanaan leh karaamo iyo sharaf maahan in aduunka laga iibiyo in ay soomali yihiin shacab iyo madax fashilmey kalana qeybsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here