Golihii Daneysiga: Ciyaarta ku hoos qarsan Casilaada Calasoow..

xaaji]Waan hubaa inay markii horeba khalad ahayd in dalka madaxwayne, raysul wasaare & afhayeen baarlamaan looga dhigo dad aan lahayn waayo aragnimo siyaasadeed & mid hogaamineed, kuwaasoo maalintii la doortay tii ku xigtayna lala dhinac istaagay orrin iyo eedayn, balse waxaa sidoo kale hubaal ah in MOOSHINLEEYDA baayac mushtarka ka dhigtay aayihii wadanku, waxay isku qasayaan waxyaabo badan oo aan sida muuqata laga sii fikirin ama aan xeerkoodu kala cadayn.

Tusaale ahaan madaxwaynaha hadii la casilo maxaa xigaya? Ma doorasho deg deg ah ayaa lagu dhawaaqayaa oo baarlaman horleh ayaa lasoo dhisayaa? Baarlamanku awood ma u leeyahay inuu u yeero madaxwaynaha maadaama aan horay u naqaanay inuu jiray sharci dhigayay inuu madaxwaynuhu kala diri karo baarlamanka? Waxay ila tahay inaan ciyaartan loo celinaynin caawin Soomaaliyeed waayo waxaas oo dhan lagama fikirin, marka laga reebo qodobadan oo ah sababaha ugu waawayn ee ka dambeeya is casilka iyo mooshinka la muddeeyay:

1 – In lasii daba dheereeyo dagaallada lagula jiro Al Shabaab si uu dalku dhibaatada ugu jiro iyagoo taa ku qancinaya dalalka ay daba dhilifka u yihiin ee howshan u igmaday (hana iloobin xitaa haddii Al Shabaab laga guulaysto waxay sii tallaaleen dadkii meesheeda kasii amba qaadi lahaa nidaam la’aanta dalka).

2 – In tashwiish lagu furo joogitaanka walaalaha Turkiga iyadoo si aanla fahmi karin ay nimankani dhowr mar dood uga keeneen joogitaanka Turkiga oo waxa uu caasimadda iyo meelo kale oo dalka ah u qabtay uusan jirin dal kale oo qabtay muddooyinkii burburka. (Ogoow Somalia meelo ka tirsan waxaa xitaa ka howlgala ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo u adeega dano sharikado caalami ah sida Serecen) oo waxa ay dalka ka wadaan aan la ogayn weligoodna kama hadal nimankan la yiri waa baarlaman).

3 – In uu meesha ka boxo mooshinkii laga keeni lahaa joojinta qaadka Kenya ee dadkeenna aadka u dulleeyay kuwaasoo ka mid ah dalalka ay nimankani xildhibaanada rasmiga ah u yihiin, halkii ay danta Soomaaliyeed xeerin lahaayeen.

4 – In dowladaha derisku helaan niman tabcanayaal ah oo shaqooyinka sare qabta si looga saxeexdo wax kasta oo loo baahan yahay, iyadoo uu diyaar yahay baarlaman ku sheeg wax kasta horay ka ansixinaya iyo qaar kaloo badan.

Waan ognahay inuusan wax badan qabanin, qaban karaynina marka aan eegno duruufaha ku hareeraysan oo ay qaar keeneen khibrad la’aantiisa siyaasadeed, guruubka uu macriifadda la ahaa ee uu isku xiiray iyo isagoo aan ahayn nin burjaawi ah oo codkiisa la dareemo. Balse, hadana aan eegno tareesooyinka ay isla baarlamanku ku leeyihiin inuu ninkani fashilmo oo aan qodobeeyay:

1 – Baarlamanku weligii ma hadlo marka shacabka oo uu sheegto inuu mas’uul ka yahay wax la gaarsiiyo, la qarxiyo ama la qixiyo, la isku diro ama xaqoodda la duudsiiyo, balse waxay qayliyaan marmarka nin madax ah ama mid ka tirsan xildhibaanadooda ay wax gaaraan (micnaha iyagaa isu baarlaman ah).

2 – Baarlamanku isaga ayaa dejiyay xeer carqalad ku ah xasilinta dalka (stabilization PLAN) kaasoo ay ku dhigan tahay ‘sharciyad munaafaqnimo’ ku jirto oo dhigaysa in markii meesha la xoreeyo ay maamul dhistaan wax lagu sheegay ‘dadka degaanku’, hase yeeshee lama kala cadaynin waxa ay yihiin dadka degaanku? Sidoo kale lagama fikirin in meelaha qaar aysan 20 sano ka badanba yeelanin wax nidaam ah sidaa darteedna aysan sahal ahayn inay fudayd ku dhistaan ama iskugu raacaan maamul aan dib u heshiisiin laga hormarin. Sidoo kale waxay taasi keentay in qabiil kasta intuu luuq istaago oo mooryaan hubaysto uu yiraahdo dowladdu nooma iman karto oo dadka ‘degaanka’ ayaa maamul samaystay, tiiyoo ay muuqato in dadkii degaanka ee rasmiga ahaa aysan weli waxba gacan ku haynin iyo inay KHIYAANO QARAN tahay inaad dowladda u diido maamulidda dalka xitaa hadaad maamul hoosaad leedahay, baarlamanku kama hadal.

3 – Sidoo kale 2-dii sanadood ee ugu dambaysay xitaa dadka ay u yeeraan ama su’aalo waydiiyaan waa dhowr qofood oo ay ku noqnoqdaan ee wasaaradaha qaarkood oo ay xitaa dadku magacoodii ilaaween ee dadka ugu dambaysay maalintii lagu dhawaaqayay, balse iska biisha hantida umadda weligood waxba ma waydiinin, mar bay xitaa dhacday in wasiir ka tirsan xukuumaddu uu dood geliyay midnimada umadda Soomaaliyeed, balse waloow ay warbaahintu arrinkaa qaad qaadday iyagu way ka aamuseen.

4 – Baarlamanku waxay xireen waaxdii dad dhigista ee Muqdisho mana cadda awoodda ay u lahaan karaan inay xiraan hay’ad muhim ah oo shaqaynaysa oo ay joogeen markii la furayay aysanna ka hadal, markii la xirayna aysan keenin bedel ama qaab kale oo ay u howlgasho, waloow aysanba waxaasi shaqadooda ahayna ma keenin sharci cusub waxayna u egtahay rakaatadii gow & gash ma leh.

5 – Baarlamanku weli way ka caga jiidayaan inay dejiyaan xeerar muhim u ah dhaqaaqitaanka dowladda sida kuwa khusaynaya sida loo wadaagayo khayraadka dalka, canshuuraadka iyo sida ay u wadaagayaan dowladda dhexe iyo gobollada, taasoo keentay in hal magaalo ay u samaystaan miisaaniyad xardarro ah.

6 – Baarlamanku kama hadlo faragelinta qaawan oo ay dalalka derisku ku hayaan arrimaha Soomaaliya, sida inay casuumaan gobollo ka tirsan Soomaaliya xilli uu dalku leeyahay dowlad dhexe oo rigli ah, inay iska xirtaan howladeenno, saraakiil ciidan ama shacab jooga gobollada ay ciidamadu ka joogaan. Sidoo kale way taageersanaayeen qaar badan oo ka tirsani maalmihii badnaa ee wasiiro ka tirsan dowladda dhexe lagu bahdilayay gobollo ka tirsan dalka taasoo ahayd arrin muujinaysa inaysan lahayn damiir Soomaalinimo isla markaana ilaalinaynin madax banaanida gayi ee Soomaaliya.

7 – Baarlamanku wax la taaban karo lagama hayo – marka shakhsi shakhsi laga reebo – ilaa haatanna majiro marka ay timaaddo dhibaatada haweenka, carruurta iyo marrasta Soomaaliyeed ku haysata dalka Kenya, anigoo huba in qaar badani ayba ku faraxsan yihiin.

8 – Baarlamanku kama hadlo in muddeeyo joogitaanka ciidamada shisheeye lkn Turkey oo jidad iyo isbitaallo noo dhisaya dood bay ka qabaan, sidoo kale way kasoo horjeedaan dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo tayo & tabar leh, iyagoo weliba tan dambe ay qaarkood si cad uga soo horjeedaan iyagoo iska dhaadhicinaya inay sidaa dano QABIIL ku xeerinayaan, waase sida laga dhaadhiciyaye Kenya iyo Amxaaro ayay ka caawinayaan inaysan Somalia abid noqonin dal u dhigma oo iska dhicin kara, balse Kenya & Amxaaro kalama jecla qabaa’ilka Soomaaliyeed ee walaalaha ah sida ay Eastleigh ku muujiyeenba.

9 – Baarlamanku wuxuu noqday wax u furan dano gaar ah uun, ka biloow mida ku salaysan ku sugashada mushahar XAARAAN ah, waa xaaran waayo in badan qaab laaluush ah ayaa lagu xasiliyaa, waxaa dheer inaad lacago badan qaadato adigoo og inuu dalku faqri yahay oo dadku aysan inta badan waxba haysanin, lacagtan aad qaadanaysana ay tahay mid la leeyahay Somalia ayaa loogu deeqay + inta canshuur ahaanta Xamar looga qaado, waa mas’uuliyad darro Alle ka cabsi la’aan iyo damiir xumo.

10 – Soomaaliya ma laha baarlaman ee waxay leedahay wax u badan micne ahaan golaha MUQAYILIINTA Soomaaliyeed (waan ka reebayaa inta yare ee Ilaahay ka cabsanaysa waanse ka xumahay inaan codkooda la maqlin), kuwaasoo dal iyo dad Soomaaliyeed iska daaye aysan qaar badan oon ka aqaannaa aysan xitaa meel ku ogayn qoyskoodii.

Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed?

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan u jeedin lahaa inay ka dhiidhiyaan in maalin kasta loo keeno hogaan wax matare ah, hadii uu tari lahaana laftiisa la takooro (xusuuso Farmaajo) oo ay soo doorteen gole lagu qayilo iyadoo qofka xildhibaan noqonaya aan lagu xulaynin astaamo qurux badan sida aqoon ALLE, wadaniyad, mas’uuliyad, ballan oofin, aqoon maadi & macnawi, dhoowrsi badan iyo inuu yahay qoowmi Soomaalidu u siman tahay.

Waxaase lagu xushaa inuu xiriir la leeyahay dalalka Soomaali cuuryaanshay, inuu qayilo, inuu kutaabo xoor yahay, inuu af miishaar yahay, inuu qabyaaladiiste yahay (lkn ha u moodin inuu qabiilkaaga wax u qabanayo, balse wuxuu ku dheereeyaa abtirsiinyada & taariikh been ah oo uu oday reer miyi ah kasoo koobiyay si uu kuugu khaldo), inuu tuug yahay, inuu jaahil yahay, inuusan damiir guudba lahayn IWM.

Nimanka noocaas ah ayaa waxay deeto doortaan hadba midka kista ugu badan kaash ahaan u bixiya (the highest bidder) sidaa ayaana aayihii umad idil baa looga dhigay wax ‘iib ah’ oo ilaa heerkaa rakhiis ah. Deeto 6 bilood kadib Mr Kaash iyo Kabraalayaashani way is qabsadaan mana la isku hayo dan Soomaaliyeed, balse kistii hore ayaa la doonayo in kab koror loo helo ama kan la cayriyo hadii uu keeni waayo kaash hor leh, adiguna shacaboow sidaas baad koomo dheer ugu jirtaa adigoo kala raacsan bahalladaas hilibkaaga ceeriinka ku iibinaya.

Waxaan soo jeedin lahaa in dadka waxgaradka ihi ay abaabul heer hoose ah bilaabaan, min tuulada ugu shishaysa, beelaha, waaxaha, degmooyinka, gobollada dalka ilaa caasimadda. Meelaha ay maamulladu ka jiraan dadka waxgaradka ah ee jooga laftooda waxaan u sheegayaa waxaa dadka aan meel dheer ka fikirin laga dhaadhicinayaa inaysan Soomaalidu is fahmi karin ee ay kala oodnaato, waana aragti loosoo dhiibay nimanka u tabcan gumaysi kii ugu liitay oo ah inad nin facaa ah ama kaa liita oo aad ka itaal iyo aqli roon tahay hadii aad dad iska dhigto aad u hogato oo uu marba caasimadiisa kaaga yeero isagoon wax la taaban karo kuusoo werinaynin ama kuu haynin.

Shacabka Muqdisho waxaan u sheegayaa in intan ka badan aysan u dulqaadanin dulmiga meesha lagu hayo, inuusan xildhibaanimo qaran istaahilin nin wax kalaba ha joogtaa nolosha u diidan oo cuuryaaminaya magaaladii uu risiqeeda ku noolaa oo ah madashii umadda Soomaaliyeed ku cayman lahayd nin dood ka qaba maxaa wax loogu qabtay? Xitaa miisaaniyadooda kuma jirto wax ka qabashada magaalo muddoo dheer burbursanayd oo aan lahayn kaabayaal dhaqaale sheekadooduna waxay u egtahay dhurwaagii yiri: ‘’Hooyaday hadii ay nooshahayna waan nuugayaa hadii ay dhimatana waan cunayaa’’.

Nin aan doonaynin in la mideeyo umadda Soomaaliyeed oo hadii mid maqan yahay laga fikiro sidee lagu keenaa, balse doonaya in inta isla joogtaa ay sii kala cararto, nin qanacsan uun maalintii lacag la siiyo, waa wax lagu tilmaami karo ka ganacsiga aayihii dalka.

Horay waxaa u dhacday in niman siyaasiyiin sheeganaya oo ay qaarkood dalka jagooyin sare ka qabteen ay sharikado kula heshiiyeen in sun lagu daadiyo badda & berriga Soomaaliya kuwaasoo ilaa maanta keenaya cudurro halis ah kadib markii uu soo butaacay kaahii ama radio active-kii nukliyeerka.

Kuwanina waa uun kuwaas oo kale oo hadii ay fursad ku helaan kabihiinna xitaa way gadayaan, ee ilaa iyo goorma ayaan u dulqaadanaynaa? Haddii wax la casilayo hallaga bilaabo baarlamanka, waayo halistiisa ama burburintiisa ayaa ka badan kana ballaaran birmadkiisa, hadii kuwa fara ku tiriska ah ee wadaniga ama wanaagsan ee ku jiraa aysan muuqan karinna axsan ha bilaabeen inay iska casilaan illeen waa gole danaysiye si loo kala diro.

Shacaboo fikir oo xusuuso hadalkii Maxamed Al Ghazali oo laga qoray murtidan isagoo leh: ”Uma cabsado qofka fikiraya haba DHUNSANAADEE, waayo mar unbuu xaqa usoo laaban doonaa inta garwaaqsado, waxaanse u cabsadaa qofka aan fikiraynin haba TOOSNAADEEE, waayo waa sidii buunsho dabayl u bandhigan”. XaajiWixii aan ku gefey Allaha iga cafiyo wixii aan saxayna isagaa ku mahadsan. Wabillaahi toowfiiq.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

maxaaji@hotmail.com Gothenburg, Sweden

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here