Gole cusub oo lagu badalayo Madashii Qaranka oo la sameeynayo

shirka madaxda maamulada dalka iyo doowlada SoomaaliyaMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ogolaaday dhismaha Gole loogu magac daray &Golaha Amniga Qaranka.

Golahan oo lagu dhisay shirkii ugu horeeyay ee madaxda maamulada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka ayaa waxaa fikradiisa lahayd Beesha Caalamka (Mareykanka & Ingiriiska), wuxuuna ka mid ahaa qorshaha loogu yeeray Somali National Security Architecture ee lagu ansixiyay shirkii London.

Shirkii ugu horeeyay ee Golahan cusub ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay Muqdisho ku soo qulqulayaan madaxda maamul goboleedyada, waxayna warar ku dhow madaxtooyada ay sheegayaan in shirka looga hadlayo arrimaha: Ammaanka, qeybsiga kheyraadka, fulinta qodobadii shirkii London iyo arrimo kale.

Guddiga Amniga Qaranka ee dowladii hore ayaa ahaa mid kaliya ay ka mid yihiin madaxda sare ee dowladda iyo saraakiisha Hay’adaha ammaanka, laakiin golahan cusub ee AMniga Qaranka ayaa loo bedelay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ayaa golahan ku tilmaamay sharci darro lagu bedelay Golihii madasha Qaran ee xilligii madaxweyne Xasan Sheekh oo la wareegay awoodii baarlmaanka, waxaana ay ka digeen in golahan halis ku yahay Baarlamaanka iyo madaxtooyada labadaba.

1 COMMENT

  1. XARIG UU FARMAAJO HAYO WALLEE XOOLO KUMA JIRAAN. JISAARNA MA HODMO.

    INTA UUSAN KU MASHQUULIN HUB KA DHIGISTA SAMAALAHA MUQDISHO KU NOOL, FARMAAJO HA LA SOO TASHADO AXMAARKA GABRE AH OO HA WEYDIIYO:
    HALKII AY KU DAMBEEYEEN CIIDANKII KONTONKA KUN AHAA UU LA SOO GALAY MUQDISHO?

    FARMAAJO HA IS-WEYDIIYO KAARAYAASHII IYO MIG-21 KII ADEERKII AFWEYNE MEESHA AY KU DAMBEEYEEN?

    ADMIRAAL HOWE HA WEYDIIYO MEESHII AY KU DAMBEEYEEN RANGERS-KII IYO SEAL FORCES-KII BIRTA CALAASHAN JIRAY?

    FARMAAJO HA LA SOO TASHADO GAALKII ADEERKIIS AFWEYNE AHAA, NAARTA ALLAHA KU FOGEEYEE.

    FARMAAJO HA LA SOO TASHADO ADEERKII KHAAINUL-WADDANKII, JAAJUUSKII XABASHIDA EE AHA CABDULLAAHI YUUSUF.

    FARMAAJO WAXAA LOO SOO DHOWEEYAY WIIL DHEXDEENNA KU SOO KORAY OO XIDID NALA AH DARTEED.

    WUXUUSE NOQDAY JISAAR IYO WIIL DAAROOD OO U SOCDA AARGOOSI.

    FARMAAJOW, AMA JECLOW AMA HA JECLAAN, SOOMAALI WAXAY AADEYSAA HALKII UU U HOGGAAMIYO SAMAALE/IRIR/HAWIYE/HIRAAB.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here