Golaha wasiiradda Soomaaliya oo meelmariyay sharciga la dagaalanka argagixisada

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey sharciga la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, oo ay dhowaan soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Sharcigan ayaa lagu meel-mariyay shir uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta Muqdisho ka dhacay.

Shirka oo ahaa mid albaada uu u xiran ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka warfaafinta Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi.

Wasiirka ayaa  sheegay in sharcigaan oo qayb weyn ka qaadan doono wax ka qabashada falalka argagixisada iyo kooxaha ku lug leh weerarada argagixisada.

Wasiirka warfaafinta waxa uu sidoo kale sheegay in sidoo kale golaha wasiirada ay maanta ansixiyeen hindiseyaal sharciyadeed oo gaaraya sided qayboo oo ay ka mid yihiin  Guddiga Dib-u-eegida iyo Hirgelinta Dastuurka,Xafiiska Gardoonka iyo Illaaliyaha Dadweynaha, Dhismaha Maxkamadda Dastuurka, Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Xaquuqda Aadanaha, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka dalka, Sharciga Arrimaha dibadda iyo Sharciga la dagaalanka argagixisada.

Cabdilaahi Ciil-mooge, waxa uu sidoo kale sheegay in golaha wasiirada ay go’aansadeen in dib loo howl-galiyo wakaaladda howlaha maraakiibta iyo wakaaladda dekadaha.

Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan dhammaan sharciyadaan la horgeyn doono golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Isku soo duub Shirkii golaha wasiirrada ayaa lagu meel-mariyay shan hidnise sharciyeed oo ay hay’adaha xukuumadda ku howlgali doonaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here