Golaha Wasiirada oo yeeshay mid ka mid ah kulamadoodi ugu danbeeyey


Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin soo xulida xubnaha Baarlamaanka, Doorashooyinka soo socda, iyo arrimaha Maaliyadda.

Ugu horayntii Golaha Wasiiradda ayaa isla soo qaaday sidii loo soo dhamaystiri lahaa xubnaha baarlamaanka iyagoona ka codsaday Odayaasha dhaqanka iney soo dhamaystiraan xubnaha dhiman, waxaa kale oo Goluhu sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo lagu muujinayo dimuquraadiyad wax kastana la rabo inay ku dhamaystirmaan waqtigooda.

Sidoo kale Goluhu wuxuu ka hadlay waajibaadkooda ku aadan sida wanaagsan oo ay dalka uga saareen KMG iyagoona xaqiijiyey in 20 August ay Soomaaliya heshay Baarlamaan aan KMG ahayn, taasna waxaa sabab u noqday wada shaqayntii ka dhex jirtay Golaha mudadii sanadka ahayd, waxaa sidoo kale Golaha wasiiradu sheegen in si habsami leh ay u sii wadi doonaan shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed kuna wareejin doona xilka ay hayaan marka la soo doorto Xukuumad cusub.

Waxaana Sidoo kale Goluhu Warbixin ka dhageysteen Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan halka uu marayo dhaqaalaha soo gala dowladda, Waxeyna Wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay in dhaqaalaha u soo xaroonaya dowladda uu ka fiicnaan doonoo dhakhligii hore u soo xaroon jirey maadaama laga baxay xilligii badd xiranka.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyey Golahiisa Wasiiradda sidii hagar la’aanta aheyd oo ay ula soo shaqeeyeen mudadii sanadka aheyd, Iyagoona muujiyay wax qabad la taaban karo Islamarkaana meel mariyay hadafkii ahaa in dalka laga saaro KMG, taana ay maanta ku guuleysatay Xukuumaddu.
—Dhamaad—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here