Golaha Wasiirada oo Maanta ka Shiray Sidii Xukuumadu u Dardar Galin lahayd Howlaheeda Doorashada Madaxweynaha Kadib-Sawirro

Muqdisho 06, Sept, 2012….Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay arimaha Amniga, waxqabadka xukuumada, Qaban qaabada doorashooyinka Madaxweynanimada.

Ugu horeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay golaha wasiirada in xukuumada badbaado Qaran ay u qabsoomeen waxyaalo faro badan taasna cadaynteeda ay muuqato iyadoo maalmo kadibna ay qabsoomayso doorashadii Madaxweynanimada, arintaasna miraheeda ay leeyihiin dhamaan golaha wasiirada oo wada shaqayn iyo midnimo muujiyey

Wasiirka Gaashandhiga ahna Ra’isul wasaare ku xigeen ayaa ka warbixiyey guulaha isdaba jooga ah oo ay gaareen ciidamada Qaranka, waxaana uu xusay wasiirku in meel gagabo ah ay marayaan howl galadii ka socday Gobolada Jubooyinka, Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in aad loo adkeeyey amniga caasimada si looga hortago wixii khalkhal galin kara doorashada madaxweynanimada ee dhacaysa 10 bishaan aan ku jirno.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dar daarmay in la sii wado wada shaqayntii ka dhaxaysay Golaha wasiirada kadib doorashada madaxweynaha waxuun sheegay Ra’iisul wasaarhuhu inay muhiim tahay in la dar-dargaliyo howlihii loo hayey qaranka inta laga soo dhisayo xukuumad cusub oo la wareegta shaqada hada hortaala golaha wasiirada.




– DHAMAAD –

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here