Golaha Wasiirada oo Maanta ka Digay Duufaanada Bari ku Dhufanaya Xeebaha Soomaaliya

Golaha wasiirada oo maanta qaatay kulankoodi caadiga ahaa ayaa kaga hadlay Duufaanta la sheegay inay ku dhufan rabto xeebaha Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir gudoominayay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Saacid ayaa axay diirada ku saareen duufaanta la magac baxday ” Four ”, taasoo la sheegay in Maalinta Talaadada ah ay ku dhufaneyso Xeebaha Soomaaliya.

Marki uu soo idlaaday kulanka waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka arimaha gudaha ahna amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay isaga fogaadaan xeebaha Gobolada Dalka, oo la shaaciyay in Talaadada  Bari ah ay duufaan ku dhufaneyso.

Wasiirka ayaa sidoo kale baaq gaar ah u diray kaluumeysata ka shaqeysa Badda, isagoo ugu baaqay inaysan Bari galin bada ama aysan u shaqo tagin, maadaama ay dhibaato kala kulmi karaan Duufaanta ku dhufaneysa xeebaha Soomaaliya.

Hey’ada La socodka Cimilada iyo Jawiga ayaa shaaca ka qaaday in Maalinta Bari  ay Duufaanta aroornimada hore ku dhufaneyso xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Gobolada Bari ee uu ka arimiyo Maamulka Puntland.

Hey’ada ayaa si gaar ah u sheegtay in Gobolada Bari, Nugan iyo Mudug ay saameyn balaaran ku reebi karti Duufaanta la magac baxday afar, waxaana sidoo kale ay sheegtay inay suuragal tahay inay saameyso Gobolada Koonfureed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here