Golaha Wasiirada oo Maanta Hambalyo u Diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

(Muqdisho, Khamiis, September, 13, 2012) Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa waxaana shir- guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, iyo isbedelada Siyaasadeed ee dhacayey maalmihii ugu danbeeyey.

Ugu horayntii goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud guushii uu ka gaaray tartankii madaxweynanimada Soomaaliya oo ka dhacaday magaalada muqsdisho, wuxuuna Goluhu rajo wanaagsan ka muujiyey inuu madaxweynuhu dalka ku hogaamin doono caddaalad iyo sinnaan..

Sidoo kale Goluhu wuxuu amaan ballaaran u jeediyay geesiyaashii ka hortagay falkii guracnaa islamarkaana tacsi u diray kuwii ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Al-Jasiira oo shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Gaas oo shir kula lahaa wafti ka socda dalka Kenya, Goluhu wuxuu cambaareyn dusha uga tuureen kooxaha nabad diidka ah ee Al-qaacidada Soomaaliya oo iyagu sheegtay masuuliyada qaraxyadaas. sidoo kale Goluhu waxay tasci tiiraanyo leh u direen Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee marxuum C/raxmaan Wehliye Maalin oo ahaa lataliyaha arimaha sharciga ee Golaha Wasiirada isagoona u geeriyooday xanuun caadi ah Axadii la soo dhaafay.

Dhanka kale Goluhu wuxuu warbixin ka dhagaystay Hay’adaha qaabilsan Amniga waxayna sheegeen in Amnaanka caasimada uu aad u wanaagsan yahay ayna ku guuleysteen ka hortaga falal qaraxyo ah oo lala beegsana rabay goobaha shacabku ku badan yahay.

Ugu danbayntii Golaha ayaa aad uga dooday sida ugu wanaagsan ee loo wajihi karo sidii ay u dhici lahayd xilwareejin dhamaystiran iyadoona lagu amray inay wasaarad kasta ku wargaliso Agaasimaheeda Guud sidii uu u diyaarin lahaa qaabka loo wareejinayo xilka isagoona laga rabo inuu diiwaan galiyo Agabka wasaaradda, Wixii ay soo qabatay oo qoraal iyo Muqaal ah, Barnaamijyada u dagasan wasaarada inay wax ka qabato mustaqbalka, iyo diiwaan galinta shaqaalaha rasmiga ah ee ka howlgala wasaaradda, sidoo kale waxaa wasiirada lagu booriyey iney si hufan shaqadooda u gutaan inta laga soo dhisayo Xukuumada kala wareegta xilka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

>>>>Dhamaad<<<

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here