Golaha Wasiirada oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Shirkiicaadiga ahaa oo ay Golaha Wasiirada isugu yimaadeen ayaa waxaa shir gudoomiyayKu simaha Ra’iisal Wasaaraha Mudane Xuseen Carab Ciise oo looga hadlay arrimodhawr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah,arrimaha gobollada, siyaasadda guud ee isboortiska dalka, sharciyeyntashirkadaha gaarka ah ee amniga iyo xaaladda uu ku sugan yahay suuqii Xamarweyneee gubtay.

Uguhorreyntii, Golaha Wasiirada ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Gen. Dhagabadanoo ah abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (X.D.S), oo ka hadlay xaaladdadagaalka dhanka ka ah kooxaha xagjirka ah, oo ay ciidamada (X.D.S) kasoohooyeen guulo wax ku ool ah, abaanduulaha ayaa golaha usheegey inloo baahanyahay dagaalka si wadajir ah ay shacabka qeybihiisa kala duwan u wada galaan sidaganacsatada, haweenka, dhalinyarda iyo qeybaha kale ee bulshada, waxa uu sidookale golaha ku boorriyay in dawladdu ay kordhiso isticmaalka qeybaha warbaahinta,abaabulkana aad loo kordhiyo. Abaanduulaha ayaa golaha ka codsaday in sare uqaadis lagu sameeyo tayada ciidanka loona baahan yahay meelihi laga xoreeyay cadawgala xasiliyo, maamulana laga dhiso.

Golahaayaa sidoo kale waxaa warbixin ka siiyay safar ay ku tageen Gobolka HiiraanWasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo WasiirkaQorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo iyagumuddo 10 maalmood ah ku maqnaa gobolka, kadib markii ay dadaallo u galeen sidiiloo mideyn lahaa xoogagga halkaa ka dagaalamaya, guulo weynna kasoo hooyeymaamul u sameynta Gobolka Hiiraan.

WasiirkaDhalinyarada iyo Isbooritiga Mudane Maxamed Muxhidiin ayaa maanta horkeenay Golahasiyaasadda guud oo ay dawladda ka leedahay dhanka Isboortiga iyo ciyaaraha,wasiirka ayaa ku tilmaamay siyaasaddan mid kala habeynaysa hawsha ee kalaleeyihiin hayadaha ku mashquulsan arrimaha isboortiga sida xiriirada kala duwaniyo guddiga Olimbikada, siyaasaddan cusub ayaa kor u qaadis ku sameynaysa guudahaan isboortiga dalka si uu guulo uga soo hooyo tartamada kala duwan eedibadda lagu qabto.

Golahaayaa sidoo kale waxa uu ka dooday sharciga Lr. 54 ee 1971 oo ah sharcigashirkadaha ilaalada ee gaarka loo lee yahay (Private Security Campanies),Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuudoo sharciga soo hordhigay golaha ayaa waxa uu caddeeyay sharcigaan inuu habeynku sameynayo ilaalada gaarka ah ee haystaan hayadaha, shirkadaha, iyodiblumaasiyiinta, waxa uu sidoo kale kor u qaadis ku sameynayaa arrimahaammaanka ee dalka maadaama la sharciyeynayo cidda hubka haysan karta,waxbadanna ay ka qaban karto hoos u dhigista fal danbiyeedyada lala beegsadogaar ahaan shaqaalaha dawliga ah.

Golahaayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed MaxamuudXaaji Ibraahim oo saakay magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka ArrimahaDibadda Ingiriiska Wiliam Heague oo kulan kula yeeshay Villa SomaliaMadaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah Mudane Shariif Sheikh Axmed oo ay kawada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan ammaanka, cadaaladda, burcad badeedda,iy shirka London.

Ugudanbeyntii, Golaha ayaa warbxin ka dhageytay guddiga loo saarey gubashadiisuuqa Xamarweyne oo ay sheegeen iney xiriir la sameeyeen dadkii hantida ogagubatay suuqa, walina ay ku jiraan sidii wax loogu qaban lahaa muwaadiniinta meeshaasku hanti beelay.

–DHAMAAD–

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.