Golaha Wakiillada Soomaaliland oo laalay Xeerka Ciidanka Booliiska

Mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa dood dheer kaddib naqdiyay xeerka baliiska Somaliland oo dhowaan loo gudbiyay golaha si uu ansixiyo.

Mudanayaasha ayaa fadhi ay Axadii shalay uga doodeen xeerka cusub waxay badankood soo jeediyeen in dib loogu celiyo guddiga arrimaha dibadda kaddib markii ay sheegeen inuu leeyahay dhaliilo badan.

Mudanayaasha Waxay ku dhaliileen inuu qabyo yahay, isla markaana aanay si fiican u qeexneyn qodobbada qaarkood.

Qaar ka mid ah mudanayaasha doodda dhiibtay ayaa ku dhaliilay xeerka cusub inuusan qeexeyn tallaabooyinka sharciga ah ee lagu qaadi karo askariga baliiska ah hadduu dambi galo, iyagoo tusaale u soo qaatay dhacdooyinkii dhowaan ee ay isaga hor yimaadeen booliska iyo shacab dibadbaxayay oo aan wax baaritaan ah lagu sameyn booliskii rasaasta ku furay dibadbaxayaasha.

Waxay badankood fikrad isku mid ah ka qaateen inuusan xeerkan ku filnayn awood-siinta iyo hab dhaqanka ciidamada baliiska Somaliland, iyagoo soo jeediyay in dib loo celiyo oo la dhammeystiro.

Golaha wakiillada ayaa horey uga dooday miisaaniyadda sanadka cusub iyagoo ka digay in rabshadda ka soocta Hargeisa iyo Boorama inay ku fidoo goballada Somaliland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here