Golaha Ammaanka QM oo si fudud u meel marin doona xayiraada hubka in laga qaado Soomaaliya

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in meel mariyaan qorsho ay taageero u raadineyso dowladda Soomaaliya, taasoo ku aadan siddii xayiraada hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Dowladdaha Britain iyo Maraykanka ayaa dedaal ballaaran ugu jira siddii ay arrintaa u meel mari lahayd maadama dowladda ay dagaallo kula jirto kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab, sidaas waxaa yiri Diplomaasi ku sugan magaalada New York.

Sidaas oo ay tahay qaar ka mid ah waddamada joogtada ka ah golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa taageersan in dib loo cusbooneesiyo xilliga howgalka millatary ee ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Waxaana arrintaas si wayn looga dooddi doonaa maalinta Arbacada ee soo socota, sida ay lee diplomaasiyiinta ku sugan New York.

Golaha ammaanka QM ayaa cunaqabteenta dhinaca hubka Soomaaliya saaray sannadkii 1992-dii xilligaa dagaal oogayaal gacnata ay ku dhigeen dalka, kaddib markii meesha laga saaray hoggaamiye Maxamed Siyaad Barre.

QM ayaa sheegtay in ay dooneyso in qaraarka lagu doonayo in xayiraada looga qaado dib loo cusbooneeysiiyo, laakin wada xaajoodka uu ahaado mid sii socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa u -xusul duubeysa in laga qaado xayiraada hubka, si hub uu uga soo galo hawadda iyo baddda, laakin qaar badan oo ah waddamada reer galbeedka waxa ay ka walaacsan yihiin in arrintaas uu fursad u noqoto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xafiiska la wareegay sannadkii hore, waxaa weli awood muuqata ku haya Soomaaliya illaa  17,000 oo ah ciidamo ku howgalka magaca AMISOM, laakin waxaa uu bishii hore ka dalbaday waddamada reer galbeedka in ay dowladdiisa u baahan tahay in la  qaado xayiraada dhinaca hubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here