Golaha Ammaanka QM oo meel mariyay howgal cusub

Golaha Ammaanka ee QM ayaa khamiistii cod buuxa ku ansixiyey abuurista hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay golaha loo dhan ayaa lagu shegeay in hawlgalkan xaruntiisu ay noqon doonto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxaana loogu yeeri doonaa UNSOM.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale isku raacay in hawlgalkani uu billawod 3da bisha June ee sannadkan 2013-ka, waxaa kaloo la isla afgarat in howlgalka muddada ugu horeysa uu jiri doono 12 bilood ama sannad

Goluhu wuxuu ka codsaday xoghayha guud ee QM in uu soo bandhigo horaanta bisha September qorshe ah in qaraarkan uu ku hirgalo muddo 90-cisho ah.

Howgalkan ayaa marka uu ka hirgalo caasimada waxaa lagu baahin doonaa gobalada dalka, maadama ay codsatay dowladda cusub ee hadda jirta.

Howlgalan wuxuu hoos imaan doonaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr Nicholas Kay kaasoo badalaya Augustine Mahiga.

Waa markii labaad oo QM ay howgal ka sameeyo Soomaaliya sannadkii 1992-dii ayaa ciidamo UNISOM la yiraahod u soo direen balse waa ay ku guuldareesteen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here