Golaha ammaanka oo kordhinaya in la khafiiyo cunaqabateenta hubka

QM oo war ka soo saartay sida loo isticmaalo hubka la siiyo DF Somalia
QM oo war ka soo saartay sida loo isticmaalo hubka la siiyo DF Somalia

Wakaalada wararka Reuters, ayaa qortay Khamiista maanta ah in Qaramada Midoobay laga yaabo inay kordhiso muddada cunno-qabteynta hubka laga qaaday Soomaaliya.

Diplomaasi ku sugan xarunta QM ee News ayaa sheegay in kastoo dhawaan la sheegay hubka ay soo iibsato iyo kuwa la siiyo ay qaar ka mid ah ugacan galeen Al-Shabaab, haddana in golaha golaha ammaanka aan laga laaban doonin.

Sannad ka hor ayey ahayd marki 15-ka xubnood ee golaha ammaanka uu isku raacay in la Khafiifiyo cunno-qabteynta hubka ee saran Soomaaliya, si dowladda Somalia loogu oggolaado inay hub fudud kasoo iiibsato waddamada caalamka, maadama ay dagaallo kula jirTo kooxda Al Shabaab.

Diplomaasiga warkan laga helay ayaa caddeeyay  in muddo aan badnayn lagu dari doono fududeynta cunno-qabteynta hubka ee Somalia saaran, iyadoo bisha March ee soo socota ay ku egtahay muddadii halka sano ahayd ee loo oggaaladay dowladda in ay hub soo iibsato.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada abaabulka duulaan lagu qaado Al-Shabaab, iyadoona tababar xooggan siineysa ciidamadeeda.

Sidoo kale, waxaa Soomaaliya hadda ku sugan ciidamo kor u dhaafaya 17,600 oo xoog badan kuwaasoo ka socda Midowga Afrika iyo howgalka QM ee Soomaaliya.

Xigasho: Reuters

Waxaa tarjumay Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here