Golaha Ammaanka oo cod ku meel mariyay howlgalka UNSOM warbixinta oo dham

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii cod ku ansixiyay howlgalka caawinada ee Soomaaliya, kaasoo loogu yeeri doono UNSOM, wuxuu howlgalkan saldhigiisu noqon doonaa caasimada Muqdisho.

Sida lagu sheegay warka qoraalka ee ka soo baxay Qaramada Midoobay howgalkan wuxuu billaaban doonaa 3-da bisha June isagoona soconaya muddo 12-bilood.

Howlgalkaan cusub ayaa waxa uu yahay mid Qaramada Midoobay uga goleedahay in Soomaaliya looga caawiyo arrimaha dhisida iyo hormarinta nabadda iyo dawlad-wanaaga.

Sida Qaraarka lagu sheegay Golaha Amniga ayaa howlgalkan doonaya in dawlada Soomaaliya uu talo ka siin doonaa siyaasadeeda la xiriirta diyaarinta doorasho guud oo dalka ka dhacda sanadka marka uu yahay 20016-ka arrimaha gargaraka bini’aadanimo iyo ka hortaga arrimaha la xiriira ku xadgudubka xuquul insaanka.

Wuxuu howlgalkan la shaqeen doonaa AMISOM oo hadda ka howlgala dalka.

Hawlgalkan oo loogu magac daray UNSOM ayaa abuuritaankiisa waxaa soo dhaweeyay agaasimaha qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta arimaha xuquiuqda aadanaha Mr. Philippe Bolopion waxuuna
mar arimahaan uu ka hadlay waxa uu sheegay in hawlgalkaan cusub ee la mgac baxay UNSOM uu yahay fursad fiicad oo lagu joojin karo ku xad gudubka xuquuqda aadanaha

Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo wax tar leh tan iyo sannadkii 1991, laakin waayahan dambe waxoogaa horrumar ah ayaa la sameeyay, Al-Shabaab ayaa billaabay in ay magaalada dib u qabsadaan laakin waa laga hortagay.

Sannadkii la soo dhaafay dowlad rasmi ah ayuu dalka yeeshay, waxaana ay soo afjartay dowladan nidaam ku-meel gaar ah oo uu dalka ku soo jiray tan iyo xilligaas.

Golaha ammaanka waxa ay hoosta ka xariiqeen in la meel mariyo qaraar ah la sameeyay 6-March oo ah in la kordhiyo oo lagu daro hal sanno howgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo in la qaado xayiraada hubka qaybo ka mid ah Soomaaliya 20-sanno kaddib.

Sida lagu sheegay warbixinta golaha ammaanka, howlgalkan cusub ee UNSOM wuxuu hoos imaan doonaa wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM kaasoo ku shaqeen doono caasimada Muqdisho, sidoo kale waxaa jira codsi dowladda ka yimid.

Hawlgalkaan ayaa waxa uu yahay midkii labaad ee caalami ah oo Qaramada Midoobay ay doonayso in dalka soomaliya ay ka fuliso ayadoona hawlgalkaan kii ka horeeyay Qarmada Midoobay Soomaaliya ka fulisay intii u dhaxaysay sannadihii 1992 ilaa 1995.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here