Golaha ammaanka oo ansixiyey in la kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom

Kulan uu xalay ka yeeshay golaha ammaanka ee qaramada midoobay arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyey in la kordhiyo ciidamada nabadilaalinta ee Amisom ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Golaha ammaanka oo uu midowga Afrika hordhigey codsiga ah in la gaarsiiyo ciidamada Amisom tiro gaareysa 17.737 askari ayaa uu goluhu cod aqlabiyad leh ku oggolaaday.

Golaha ammanka ayaa sidoo kale waxa uu oggolaaday in sare loo qaado tayada ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay sheegeen in haatan ay tahay mid liidata.

Ciidamada AMISOM oo hadda ah 12,000 oo askari ayaa la qorsheeyay in laga dhigo 17,737  askari, wuxuuna kulanka ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu codeeyay kordhinta ciidamada AMISOM ku soo beegmaysaa dhowr maalmood ka hor waqtiga uu furmi doomo shirka London ee ay dhinacyada ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya iyo in badan oo wadamada arrimaha Soomaaliya daneeya ah ay ka  qeybgeli doonaan.