Golaha Amaanka Q.M oo Kenya ka Caawinaya la dagaalanka Al Shabaab

War saxaafadeed kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M oo ujeedkiisa cambaareynta weerarkii Sabtii dad badan lagu dilay ee ka dhacay magaalada Mandheera ayaa waxaa lagu sheegay inay dawlada Kenya ku gacan siinayaan dagaalka ay kula jirto Xarakadda Al-Shabab.

War saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in xubnaha golaha amaanka oo cambaaraynaya weerarkii ku dhawaad 30,ka ruux lagu dilay inay haddana dawlada Kenya kala shaqaynayaan sugida amaanka xaduudaheeda iyo xojinta dagaalka ay Al-Shabab kula jirto si gaar ah goluhu wuxuu u sheegay inay kordhinayaan taageerada ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM si ay uga adkaadaan dagaalamayaasha Al-Shabab ee dalka Kenya weerara.

Golaha amaanka warkaan kasoo baxay waxaa sidoo kale lagu sheegay inay xanuunka la wadaagayaan ehelada dadkii Sabtigii la dilay ee gaariga baska ah lagala degay waxaana ay ku baaqeen in cadaalada la hor keeno shaqsiyaadkii ka dambeeyay.

Dawlado ururo kala duwan ayaa cambaareeyay weerarkii maalmo ka hor ay Al-Shabab sheegteen ee Mandheera ka dhacay waxaana Al-Shabab sheegeen in weerarkaasi oo ay ku dileen dad aan Muslimiin aheyn inay ugu aar gudayeen Muslimiinta Kenya ee la dhibaateeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here