Golaha Amaanka oo soo dhaweeyey hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaabki loo doortay.

Kulan uu maanta isugu yimid Golaha xaruntiisa magaalada New York ayey kaga hadleen xaalada Soomaaliya, waxaa ay ku tilmaameen dowlada cusub mid keeni doonto xasilooni iyo la xisaabtan.

Laakin waxay ka digeen in wax badan ay loo baahanyahay in laga qabto arrimaha amaanka iyo xaga xuquuqda aadanaha oo uu Golugu sheegay in dalka uu ka liito iyo sidoo kale la dagaalanka musuq maasuqa.

Danjiraha British u fadhiya Qaramada Midoobay ambassador Mark Lyall Grant ayaa sheegay in Golaha Amaanka ay si buuxda u ayyideen caleema saarka madaxweyne Hassan Skeikh Mohamud ee Axadi lasoo dhaafay, taasi buu yiri oo ka dhigan dhamaadka 8 sano oo ay Qaramada Midoobay taageerysay Dowlada kumeel gaar aheyd oo marki danbana keentay in la unko baarlamaan iyo dastuur.

“Somalia hada waxay heysataa fursad dhab ah oo ay horay ugu soco karto xaga nabada iyo mustaqbal wanaagsan,: ayuu yiri Grant oo intaasi raaciyey in ka guurida xaalada kala guurka ay hada bilow tahay Soomaaliyana wali ay wajaheyso qatar kaga imaanyeso Al Shabab.

Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa laga war dhowrayaa waxqabadkeeda 90-ka cisho ee hore, iyadoo madaxweynaheedana balan qaaday inuu ka bilaabi doono amaanka iyo cadaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here