Golaha ammaanka oo maanta fadhi kayeelanaya Burcad-badeeda Soomaalida

Golaha amaanka oo maanta isugu imaanaya fadhi aan caadi ahayn ayaa waxaa lagu wadaa ineey markii ugu horeesay kadoodaan arimaha Burcad-badeeda Soomaalida oo ay uga doodaan sida qadiyahada Amaanka dunida loga hadloo kale.

Dhibaatada burcad-badeeda ayaa markii hore ku kobneed gobolka oo kaliya laakiin hada waxay u muuqdaan ineey utalaabeen badaha caalamka oo ay dhibaato ku noqdeen isku socodkii badda iyo dhaqaalaha dunidaba.

Fadhigaan ay maanta golaha amaanka iskugu imaanayaan ayaa waxaa ka qayb gali doona safiirka doowlada India ufadhiya golaha amaanka Indian Ambassador Hardeep Singh Puri, kaasoo ay maraakiib farabadan iyo shaqaalihii saarnaa ay gacanta ugu jiraan burcad-badeeda.

Hindida ayaa ah shaqaalaha ugu badan ee kashaqaysta maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya, waxaana lagu qiyaasaa 7% ineey iyaga yihiin.

Hay’ada badaha calamka fadhigeeduna uu yahay caasimada Maleesiya ee Kuala Lumpur, ayaa war bixin ay soo saartay waxaa lagu sheegay in sanadkaan oo kaliya 252 weerar oo burcad-badeednimo ah caalamka ay kadhacday, sidoo kale 9 markab oo ays aarnaayeen 154 shaqaalo ayay burcad-badeeda Soomaalida ka qaateen madax furasho.

Doowladaha ugu tunka weyn dunida oo ay maraakiib dagaal kajoogaan biyaha Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysteen ineey hoos udhigaan werarada burcad-badeeda Soomaalida kadib howlgalo joogta ah oo ay kasameeyeen badda iyo barigaba, iyagoona dhowr mar dhinaca dhulka ku beegsaday fariisimaha burcad-badeeda, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dhowr katirsan burcadaas kuwaasoo hada lagu kala maxkamadeeynayo wadamo farabadan oo Yurub iyo mareeykankaba katisan.

Doowlada Holand ayaa in mudo ahba waxay olole xoogan ugu jirtay in golaha amaanka ay maxkamad caalami ah suameeyaan burcad-badeeda Soomaalida iyo in doowlada Soomaaliya laga gacan siiyo sidii ay awood buuxda ugu yeelan lahayd ladagaalanka Burcada, laakiin dadaalkaas ma ahan mid miro dhalay maxaa yeelay golaha amaanka ayaa kajiiftay.

Xigasho:Washingtonpost

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here