Golaha amaanka oo isku raacay in burcad-badeeda si adag loola dagaalamo

Fadhi ay shalay isugu imaadeen golaha amaanka islamarkaasna looga hadlayay arimo ku saabsan burcad-badeeda Soomaalida iyo dhibaatada ay ku hayaan isku socodka badaha iyo dhaqaalaha dunida ayaa waxaa laga soo saaray in si kasii adag sidii hore loola dagaalamo burcad-badeeda.

G eneral Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee QM oo kulankan looga hadlayay burcad-badeeda Soomaalida waxa uu sheegay in inkastoo weerarada burcada ay sanadaan hoos udhacday hadane loo baahanyahay in lasii laba laabo howlgalada iyadoona ilaalo loo samaynayo maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya.

Tirakoobkii ugu danbeeyay ee ay soo soo saarto hay’ada badmareenada caalamka (IMO) ayaa lagu sheegay in 10-kii bilood ee lasoo dhaafay caalamka ay kadhaceen 291 weerar, weeraradaan ayaa kadhacay bariga iyo waqooyiga afrika, badweynta Pacific, waana meelaha ugu daran ee lagu qafaasho maraakiibta.

General Eliasson, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in shuruuc adag laga soo saaro burcadbadeeda lagula dagaalamo lona qoonsado danbiyo heer calami ah.

“Waxaan doonaynaa in labalaariyo ladagaalanka burcad-badeeda, laxiro oo la maxkamadeeyo” “Sidoo kale waxaa loo baahanyahay in laxayiro lacagta utaal bangiyada, lana joojiyo madax furashada lasiiyo” ayuu yiri General Eliasson oo shalay kahadlayay fadhigii golaha amaanka.

Fadhiga golaha amaanka ayaa sidoo kale shalay waxaa lagu sheegay in 20% maraakiibta isticmasha biyaha qatarta ah aysan wadan wax ay isku difaacaan taasoo sahasha in la afduubto.

Weerarada burcada ayaa sanadkaan aad u hoos ugu dhacday kadib markii ay cadaadis iyo howlgalo jogta ah kala kulmeen maraakiibta dagaalka ee kasocda caalamka islamarkaasna ku sugan gacanka cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Maraakiibta isticmaasha badaha qatarta ah ayaa sanadkiiba waxaa kabaxa dhaqaalo lagu qiyaasay $6.6 billion, oo ay ku bixiyaan ilaalinta maraakiibtooda ganacsi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here