Golaha amaanka oo dalbaday in laxoojiyo howlgalada lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

Golaha Ammaanka QM ayaa cambaareeyay sii socoshada howlaha burcad-badeeda dunidda.

Goluhu wuxuu ku baaqay in la sameeyo maxkamad la soo taago kooxaha burcad-badeeda ee maraakiibta ka afduubta xeebaha ama baddaha adduunka.

Xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka QM ayaa sidoo kale sheegay inay ka welwel qabaan carruur la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha burcad- badeedanimo ee Soomaaliya.

War mutiyeed laga soo saaray shirka golaha ammaanka QM  ayaa lagu sheegay in arrin muhim ah lagu tilmaamay laga hor tago howlgalada ay sameeyaan burcad-badeeda dunidda.

Xafiisaka baddaha caalamiga IMB ayaa wariyay in lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2012-ka uu dhacay 291-weerrar, taasoo ka dhigeysa tirada shaqaalaha la heesto 293-baxaari iyo maraakiibtooda.

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday beesha caalamka in doorkooda ay ka qaataan siddii loola xisaabtami lahaa shabakadaha ku lugta leh maalgelinta, ka faa’ideysiga iyo abaabulka weerrarada burcad-badeeda adduunka.
Celcelis la sameeyay waxa markabkasta oo la qabtay tan iyo sannadkii 2001-ka waxa uu bixin jiray 5 million dollars,laakin hadda arrintaas kor ayey u kacday.

 

Goluhu wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sameeyaan dhammaan dedaal kasta oo caddaalada lagu horkeenayo kooxaha kulugta leh burcad-badeednimo ama falalka hubeysan ee baddaha.

Golihii wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya iyo maamulada ka jira dalka ku yaalla geeska Africa ay ka caawin doonnaan dhinacyadda ammaanka iyo dhismaha nidaamka dowliga ah, taasoo gacan ka geesan karta  in la cirib tiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Ugu dambeyn  xubnaha golaha ammaanka QM waxuu dib u xaqiijiyay madaxbanaadida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, iyo xaqqa ay u leedahay in la xurmeeyo xeebaheeda iyo qeyraadka ku jira, isla markaana la baaro kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socda baddaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war murtiyeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here