Golaha Amaanka oo ansixiyey in ciidanka AMISOM laga dhigo 17,700 oo askari

Golaga Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ogolaaday maanta oo Arbaca ah in la kordhiyo tirada ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee howlgalka ka wada dalka Soomaaliya.

Kulan ay ku yeesheen Magaalada New York ayey ku ansixiyeen qaraar ay daba kasoo riixday dowlada Ingiriiska oo loogaga dhigay ciidamada AMISOM 17,700 oo askari, halka ay awal ka ahaayeen 12,000, waxaana tani ay suura gelineysaa in ay badato deegaanada ay ka joogaan dalka ciidanka AMISOM isla markaana ay badiyaan dagaalada ka dhanka ah Al Qaacidada Soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale mamnuucay in dalka Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxasha ama lasoo geliyo sababtoo ah waxay yiraahdeen waa il muhiim ah oo uu dhaqaale kasoo galo Al Shabaab.

Golaha wuxuu isku raacay qaraarkaan xilli saacado un ay ka harsanyihiin furitaanka Shirka London oo ay ka qeybgali doonaan in ka badan 40 wadan iyo wakiilo ka kala socda dhinacyada siyaasada Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ee lasoo kordhinayo ayaa waxa ku jira ciidamada Itoobiya, kuwa Kenya iyo ciidamo la filayo in ay ka yimaadaan dalalka Jabuti iyo Sera Leone.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.