Gobolka Hiiraan oo labo loo kala qeybinayo

Maamulka dowlada KMG ay dhawaan ka dhistay gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu jiro qorshayaal ay ku doonayaan in ay laba ugu kala qeybiyaan gobolka si loo suura geliyo maamul goboleed.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowlada KMG Soomaaliya, C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay qorshaha ay wadaan inuu yahay dadaalo ay ku doonayaan in dadka reer Hiiraan ay helaan maamul goboleed ay iyaga u madax banaanyihiin.

“Maamulka gobolka Hiiraan mas,uuliyad ayaa saaran in gobollka laba gobol looga dhigayano waa in aan ka dhignaa maamul goboleed, arintaasi waxaan ka dhaadhicineynaa dowlada,” ayuu yiri Mr Afrax.

Ma jirto wali wax war ah oo ay arrintaan kasoo saartay wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in ay ka carooto dowlada KMG Soomaaliya kala qeybinta gobolka Hiiraan oo ah gobol muhiim u ah Soomaliya.

Dadka ku xeel dheer xaga juqraafiyada ayaa sheegaya in hadii laba loo kala dhigo gobolka istaraatiijiga ah ee Hiiraan in markaasi uu wado u noqon karo in gobolada kale ee dalka ku dhiiradaan in ay kala qeyb qeybiyaan goboladooda iyaga oo taasina ka leh damac siyaasi ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.