Giggs oo heshiis cusub la gaaray Man Utd

Ryan Giggs ayaa halsano oo heshiis cusub la gaaray kooxda  Manchester United kaddib markii uu dhammeestay 23-xilli ciyaareed oo uu kooxda joogay.

“Waxan dareemayaa wanaag, in aan kubadda dhowr sanno ku soo jiray annigoo inta badan ku soo qaatay waqtigeyga kooxda Man U  door wayn ka qaatay guulaha ay gaartay,” sidaas waxaa yiri 39-jirkan.

Tababaraha kooxda United-ka Sir Alex Ferguson ayaa yiri: “Ryan waxa uu tusaale fiican u yahay annagoo dhan maxaa yeelay shaqo badan ayuu qabtay intii uu joogay .

Ryan ayaa hadda jabiyay 23-xilli ciyaareed oo la joogay Man U, waxaana uu ka mid yahay xidiggaha waqtiga badan la joogay kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here