Ghana oo ballan qaaday in ay taageereyso dedaalada nabadda ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Ghana John Dramani Mahama ayaa sheegay in dalkiisu uu ka qeyb-qaadan doono dib u soo celinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in arrinta nabadda Soomaaliya ay ka mid tahay ajandayaasha waa-weyn ee looga hadlayo shir madaxeedka Midowga Africa ee dabayaaqada bishan lagu wado in uu ka dhaco dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay xilli uu dhambaal gaar ah ka guddoomayay madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto kulan ay ku yeesheen garoonka diyaaradaha Kotoka International Airport (KIA).

Madaxweyne Mahama ayaa sidoo sheegay in arrimaha nabadda Soomaaliya ay ka mid yihiin wax yaabaha ajendaha u ah shirka midowga Africa ku yeelanayaan Ethiopia dabayaaqada bishan.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo safar ku maraya qaar ka tirsan dalal ku yaalla Qaaradda Afrika ayaa shalay dowladda Nigeria wuxuu u sheegay in looga baahan yahay in ay door firfircoon ka qaadato dadaalka Afrika ay ugu jirto xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Dalka Ghana wuxuu ka mid yahay waddama ku yaalla qaarada, kuwaasoo door ka qaadanaya xasilinta dalka ay dagaalada halakeeyeen ee Soomaaliya, madxweynihii hore Ghana Jerry John Rawlings, ayaa loo magacaabay ergayga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here