Ghana iyo Mali oo soo baxay semi-finalka

Xulalka Mali iyo Ghana ayaa usoo gudbay wareega Semi-finalka koobka Qaramada Africa kadib marki ay rigoorayaal 5-4 ku garaacday xulka Gabon oo ka mid ahaa marti geliyaasha.

Ciyaarta oo daqiiqadihi loogu tala galay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ayaa lagu daray waqti dheeraad ah taasi oo ay isku mari waayeen labada dhinac iyado marki danbana lagu kala saaray gool ku laad.

Xulka Gabon ayaa ku hor maray goolka waxaan u saxiixay  Eric Mouloungui oo dhaliyey ciyaarta oo bilow ah, hase yeeshee goolkaasi beeniyey Tidiane Diabate oo saxiixay goolki barbaraha Mali ciyaarta oo ay ka dhineyd shan daqiiqo.

Mali guusha waxay xaqiijisay marki uu xulka Gabon ka qalday rigoore ciyaaryahan Pierre-Emerick Aubameyang.

Mali waxay hada la kulmi doontaa Arbacada xulka lagu naaneeso Maroodiyaasha ee Ivory Coast ciyaartaasi oo ka dhici doonta magaalada Libreville.

Dhanka kalana Ghana ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda qaranka ee Tunisia oo ahaa xulka kaliyah ee ka haray dalalka Waqooyiga Africa ee carbeed marki ay 2-1 kaga awood roonaatay marki lagu daray waqti dheeraad ah.

Kooxda lagu naaneeso Xidigaha Madmadow ‘Black Stars’ ayaa waxaa gool siiyey ciyaarta oo mareyso sagaal daqiiqo kabtan John Mensah ka hor inta uusan Tunisia u bar bareyn ciyaaryahan Sabeur Khalifa wax yar ka hor inta aysan dhameyn qeybta hore.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 90-ki daqiiqo bar baro 1-1 ah, waxaana inti lagu guda jiray 30-ki daqiiqo ee lagu kordhiyey qalad sameeyey daafaca Tunisia waxaana ka faa,ideystay weeraryahanka Ghana ahna xidiga BBC-da ee Africa Andre ‘Dede’ Ayew oo daba mariyey goolhaye Aymen Mahtlouthi.

Ghana oo ay ugu danbeysay hanashada koobka Africa 30 sano ka hor ayaa haatan rajo ka qabto in ay qaado, waxana Arbacada ay magaalada Bata kula balansantahay kooxda Zambia.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.