Kabtanka kooxda Liverpool, Steven Gerrard ayaa aaminsan Luis Suarez in uu qalmo in la siiyo xidigga sannadka, maadama uu yahay ciyaar guul gaarsiiyay kooxdiisa.
Xidigga reer Uruguayan ayaa dhaliyay gookiisii 22-aad horiyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan kaddib makrii Axadii shaley ay guul 3 iyo 2 ka gaareen kooxdaTottenham – .
Guud ahaan 29-gool ayuu dhaliyay 39-kulan oo uu ka soo muuqday oo ay ku jiraa kulankii uu ka dhaliyay goolasha la yiraahdo hat-trick ee ay la yeesheen Wigan.
Suarez ayaa tartan uu kala dhexeeyaa xidiggaha kooxaha Tottenham iyo Manchester Unitedstar, Gareth Bale iyo Robin van Persie.
“Haddii uu Suarez ku guuleesan waayo abaal marinta sannadka waligiis kuma kuma guuleesan doono marna ,” Gerrard ayaa u sheegay saraakiil ka tirsan kooxda oo ku soo qoray boggaTwitter.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com