Gerrard oo guul gaarsiiyay kooxdiisa Liverpool

Gerrard oo guul gaarsiiyay kooxdiisa Liverpool
Gerrard oo guul gaarsiiyay kooxdiisa Liverpool

Steven Gerrard ayaa u suuragaliyay kooxda Liverpool in ay ka adkaato kooxda  Fulham, kaddib markii labada koox ay ku cayaareen Arbacadii garoonka Craven Cottage.

Goolka uu dhaliyay Kabtan Gerrard ayaa ka dhigaya in kooxda ay sannadka dambe ay ka qaybgasho cayaarka is-reereebka horiyaalka kooxaha Yurub ee Champions League.

Fulham ayaa la wareegtay hoggaanka cayaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay  Toure, balse Sturridge ayaa barbareeyay ka hor inta aaney soo dhammaan cayaarta qaybtii horre.

Waa cayaartii toddobaad oo isku xiga oo kooxda Liverpool ay ka adkaato horiyaalka Premier League.

Liverpool ayaa hadda ku jirta kaalinta shannaad kala horeynta horiyaalka, waxaana loo badinayaa in sannadka dambe ay ka soo qaybgali doonto horiyaalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here