Lafdhabarka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa aaminsan kooxdiisa in ay u baahan tahay ciyaaryahano cusub.
Wuxuu kaloo sheegay Liverpool ay awood u lee dahay door muhiim ah in ay ka qaadato tartanka kubadda cagta the Premier League .
Wuxuu kaloo sheegay in ay heestaan tababar fiican oo ah Brendan Rodgers, laakin wuxu yiri kooxda waxa ay u baahan tahay labo ama seddax ciyaartoy oo cusub.
Gerrard ayaa hadalkan bixiyay markii 5-0 ku garaaceen kooxda Norwich ciyaar ka dhacday garoonka Anfield Sabtdihii .
Kooxda ayaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay oo ay la soo wareegaan wuxuu ahaa Daniel Sturridge oo ay kala soo baxeen illaa 12 million pound.
Sturridge ayaa u dhaliyay kooxdiisa seddax gool tan iyo markii uu ka soo tagay Chelsea, laakin Gerrard wuxuu dareemayaa in kooxda ay u baahan tahay weli ciyaaryahano cusub oo laf dhabar ah.
Wuxuu u sheegay The Mirror in suuqa ciyaartooyda uu waqti dhow ka dhimman yahay isla markaana loo baahan in laga faa’ideesto.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com