Gerrard: England waa ay guuleesan kartaa iyadoo uu ka maqan yahay Rooney

305760_heroaCiyaaryahan Steven Gerrard, ayaa daaha ka qaaday in xulka England uu guuleesan karo isagoo uu ka maqan yahay Wayne Rooney, kooxda Ingiriiska ayaa ku wa jahan Ukraine.

Weerar yahanka kooxda  Manchester United ayaa laga waayay liiska 23-ka ciyaartoy ee uu diiwangashtay tabbabare  Roy Hodgson kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray jug uu ka soo gaartay isagoo ku dhacay  Phil Jones intii lagu gudajiray tabbabarka xulka.

Gerrard ayaa qiray in Rooney uu muhiim u yahay xulka England, balse ciyaaryahanka qadka dhexe wuxuu ka dhawaajiyay in muhiimada ugu weyn ay tahay siddii seddax dhibcood ay uga imaan lahayeen marka ay booqdaan caasimada Ukrain ee Kiev.

“Dhab ahaan Wayne waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduun, laakin koox kasta oo weysay Wayne waa dhib ,” Gerrard ayaa sidaas saxaafadda u sheegay.

Xulkiisa Ingiriiska ayaa u safray caasimada Ukrain ee Kiev, waxaana hadda la socda labo weerar yahan waayo   Rooney, Andy Carroll iyo Daniel Sturridge, ayaa dhaawac uga maqan halka Danny Welbeck laga joojiyay kulanka maadama uu qaatay kaarka Jaalaha ciyaartii Moldova ee Jimcihii.

Weerar yahanka kooxda Southampton, Rickie Lambert ayaa la filayaa in uu hoggaamiyo weerarka xulka England’ Ciyaarta Salaasada caawa sidoo kale Jermain Defoe  ayaa ah weerar yahanka kaliye ee loo aqoonsaday weerarka kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here