General Saacid:Cabsi laga qabo Shabaab wadooyinka Muqdisho uma xirnaanayaan

Taliska Booliska ayaa ka dhawaajiyay ineeysan jiri doonin wal wal laga qabo Al-shabaab in wadooyinka Muqdisho ay u xayirnaadaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xakiin Daahir Saciid, ayaa shalay mar uu la wareegay xilka loo magacaabay, waxa uu sheegay ineeysan u dulqaadan doonin falal kale oo amaanka ka dhan iney ka dhacaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay ineey geysanayaan dad tiradooda yartahay.

General Saacid, ayaa sheegay ineey dhameeyeen qorsho wax looga qabanayo falalka lidiga ku ah amaanka magaalada Muqdisho oo mararka qaar dhaca, waxaana uu sheegay dadka dhibaatada wada dartood aan loo xayiri doonin isku socodka dadka iyo Gaadiidka Muqdisho.

“…Dhalinyarada Al-shabaab oo u shaqeeya ee la marin habaabiyay oo ah in yar ma u ogolaan doono ineey qal qal galiyaan 10 milyan oo qof noloshooda ineey hortaagnaadaan oo maalin walbo dariiq loo xiro waa ka gudbeeynaa wana haynaa xaaladii looga gudbi lahaa…” ayuu yiri General Saacid.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa dhanka kale waxa uu dhagaha Al-shabaab u diray hadal aan ku cusbeyn, kaasoo ahaa ineey nabada qaataan.

“…Dhalinyarada Al-shabaab u shaqeysa waa ineey nabadda qaataan oo ay kasoo baxaan dhibaatada ay faraha kula jiraan, waxaanu leenahay usoo noqda danihiina usoo noqda shacabka, Cafis farabadan baa loo fidiyay…” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gneral Saacid.

Marar badan ayaa saraakiisha Ciidamada Booliska waxa ay ku cel celiyeen ineey wax kaqaban doonaan xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka magaalada sida wadada Maka Al-mukarama ay wali ka mamnuucatay gawaarida dad weynaha ee BL-ka, waxaana wadada hada ay u ekaatay mid ay Colaad kajirto, taasoo kusoo xasuusineysa waayadii ay Al-shabaab magaalada dhinac kajoogeen.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here