General Gordon oo lagu diley iskahorimaad ka dhacay deegaanka Buufow ee gobolka Shabelaha Hoose

General Maxamed  Ibraahin Faarax Gordon ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray kadib markii ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay wadada u galeen kolonyo galbinayay generalka oo ka soo tegey degmada Marka kuna sii jeeday deegaanka Lambar 50.

Iskahorimaadkan oo ka dhacay deegaanka Buufow ayaa la sheegay in uu ahaa mid xooggan kaasoo geystey qasaare badan. Labada dhinac ayaa qasaare ka soo gaartay iskahorimaadkan waxaana dadkii ku dhintey ka mid ahaa mid ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada dowlada.

Dilka General Gordon ayaa ah kii ugu horeeyey ee sarkaal derejadaa oo kale lahaa oo ka mid ahaa ciidamada oo ku dhinta iskahorimaad hubeysan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada oo ku saabsan dilka General Gordon.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here