General Carter Ham: “la dagaalanka Al-shabaab waa mid faa’iido u leh mustaqbalka”

Jeneraalka hogaamiya ciidamada Mareeykanka ee kusugan bariga Afrika ayaa waxa uu shegay in dagaalka ay ciidamada midowga Afrika “AMISOM” kula jiraan Al-shabaab ay ilaa iyo xad suura galisay ineey soo laabato noloshii iyo nabadgalyada gobollada qaar Soomaliya.

General Carter Ham, oo masuul ka ah xiriirka ciidamada Mareeykanka iyo kuwa Afrika ayaa mar uu kahadlayay jaamacada George Washington waxa uu sheegay in Mareeykanka uu aad uga walaacsanyahay xiriirka kadhaxeeya dagaalyahanada Al-qaacida ee ku kala sugan bariga iyo waqooyiga Afrika, lakiin hadana waxa uu soo dhoweeyay dadaalka ay wadaan midowga Afrika.

“Dadaalkeena waxa uu mira dhalayaa markaan taageero iyo caawinaad ka helno doowladaha Afrika iyo hay’adaha gobolka” ayuu yiri General Carter Ham.

Mar uu ka hadlayay waqooyiga Mali waxa uu sheegay Genaral Carter Ham in halkaas gabaad aamin ah ay unoqtay Al-qaacidada waqooyiga Afrika kadib markii la afganbiyay doowladii halkas ka talin jirtay.

Waxa uu sheegay in hay’adaha gobolka ay mudnaanta koowaad iyaga leeyihiin sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha kadagaalama bariga iyo waqooyiga Afrika, sida Al-shabaabka ka dagaalama Soomaaliya iyo kooxda Boko-haraam oo iyadana ka dagaalanta wadanka Naigeria.

Kooxahaan ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir iyo isku xir aad uwanaagsan waxaana suurta gal noqoneeysa hadaan laga hortagin ineey qal qal galiyaan amaanka iyo xasiloonida Afrika kadibna ay ugudbaan wadamada reer galbeedka.

General Carter Ham, ayaa sidoo kale sheegay ineey jiraan calaamado cad uu muujinaya in xiriir wanaagsan uu kadhaxeeyo kooxahaan islamarkaasna ay isku aydolojiyad yihiin, waxaana warbixintiisa uu ku xusay in kooxda Boko-haraan hubka iyo waxyaabaha qarxa uu kaga yimaado wadanka Mali.

“Waxaan aaminsanahay in qaar kamid ah dagaalyahanada Boko-haraam lagu soo tababaro xerooyin ku yaal waqooyiga Mali” ayuu yiri General Carter Ham.

Dhanka kale General-ka waxa uu sheegay in dagaalka ay ciidamada midowga Afrika “AMISOM” kula jiraan dagaalyahanada Al-shabaabka Soomaliya uu qaab ku dayasho mudan u noqon karo dagaalka la doonayo in lagu nadiifiyo dagalyahanada kusugan waqooyiga Mali iyo Boko-haraam.

Waxa uu sheegay in ciidamada midowga Afrika oo ay gadaal ka taageerayaan beesha caalamka ay ku guuleesyteen ineey magaalooyin dhowr ah oo muhiim ah ay ka qabsadaan Al-shabaab sida Muqdisho iyo magaalo xeebeedka istiraatiijiga ee Kismaayo.

“Waxaan aminsanahay in qaabka lagu wajahay ladagaalanka Al-shabaab uu xal u yahay kooxaha kale eek u fikirka ah” ayuu yiri General Carter Ham.

General Carte Ham, waxa uu sheegay in hada ay muhiim tahay in dib loo dhiso dhaqaalaha wadanka Soomaaliya shaqana loo abuuro dhalinyarada si aysan kaga mid noqon Al-shabaab, sidoo kale waxa uu sheegay in markii ay bilaabayeen hoowshaan ay dadka qaar ku dhihi jireen “Waad waalantahay Soomaaliya kama dhalaneyso nabad” lakiin taas ay hada rumoowday Afrikana ay go’aansatay aayaheeda.

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here