General Carter Ham “kooxaha islaamiyiinta Al-shabaab iyo Boko haraam waa Qatar weyn oo kusoo fool leh Aduunka”

Masuul saroo katirsan ciidamada mareeykanka ayaa kadigay in Afrika ay kajiraan 3 koox oo islaamiyiin hubeysan ah kuwaasoo hada wada qorsho ay isugu biirinayaan awoodahooda.

General Carter Ham oo ah masuulka ugu sareeya ciidamada mareeykanka bariga afrika waxa uu sheegay in Al-qaacidada magrib iyo kooxda Boko haraam ee kadagaalanta Naijeria uu jiro xiriir weyn isla markaasna ay isdhaafsadaan waxyaabaha qarxa.

General-ka oo kahadlayay magaaladaWashingtonwaxa uu diirada saaray 3-koox islamarkaasnaQatarku ah amaanka mareeykanka iyo caalamkaba kuwaasoo kala ah (Al-qaacidadaMorocco, Boko haraam-ta kadagaalanta Naijeria iyo kooxda Al-shabaab).

Carter Ham sidookale waxa uu sheegay in kooxaha gooni ugoosatka waqooyiga maali ay al-qaacida siyaan hooy iyo gabaad

Mareeykanka ayaa horay usheegay inuu howlgalo toos ah kabilaabi doono wadamadaSomaliaiyo Yeman islamarkaasna uu kordhin doono duqeymaha ay fuliyaan dit\yaaradaha duuliye la’aanta ah sidookale waxa uu tababar siiyaa qaar badanoo kamid ah ciidamada doowladaha afrika oo ay somaliya kujirto.

Sidookale waxaa jira ciidamo mareeykan ooq aas ah kuwaasoo bariga afrika kawada raadinta jeneraalka baxsadka ah ee reer Uganda Joseph Cony kaasoo loo haysto xasuuqa dad rayid ah iyo kufsi ay kukaceen falaagada LRA oo uu madax u ahaa.

General Carter Ham waxa uu sheegay in kooxaha 3-da ah ee uu horay usoo sheegay aysan isku hadaf aheen markii hore balse hada ay ku dadaalayaan ineey isku geeyaan cududooda iyo afkaartooda hal hadafna ay yeeshaan waxa uuna sigaar ah farta ugu fiiqay in kooxda al-shabaab ay tahay tan ugu qatarta badan

General-ka ayaa sheegay in doowlada mareeykanka ay aad walwal uga qabto Al-qaacidada morocco qaasatan dhaqdhaqaaqa xoogan ay kawadaan waqooyigaMali.

Saami Addow