General Cabdi Qeybdiid: Ragi isoo weeraray waxay rabeen in ay i dilaan (Dhageysi)

General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta rag isa soo miidaamiyey ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaala Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey sidi ay wax u dhaceen.

Wareysi uu galabta siiyey idaacada VOA ayuu ku sheegay in abaaro 1:45 duhurnimo ay soo weerareen gurigiisa magaalada Gaalkacyo laba nin oo mid ka mid ahi ku rakibnaayeen walxaha qarxa.

Wuxuu xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen afar ruux oo laba ka mid ahi ahaayeen ilaaladiisa, qof haweeneey rayid ah oo banaanka mareysay iyo mid ka mid ah labada nin ee weerarka ku qaaday.

“Labadi duhurnimo oo rubi dhiman mareey aheyd ayaa waxaa  guriga igu soo weeraray laba nin oo hubeysan, mid baa qarax ku xirnaa guriga ayuuna soo weeraray waa lala diririyey cabaar kadibna wuu is qarxiyey, marka waxaa ku dhimatay laba ciidanka ilaalada ka mid ahaa, haweeneey banaanka mareysay iyo mid ka mid ah labadi nin ee isoo weerartay,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Saiyaasigaan ayaa tilmaamay in ninki labaad uu baxsaday isaga oo iriada hore ee gurigiissana ku dilay mid ka mid ahaa ilaaladiisa sida uu hadalka u dhigay, waxa intaasi kusii daray in ninki isqarxiyey ay hada hayaan madaxiisa iyo wajigiisa lana aqoonsaday.

“Adeer waxaa isoo weeraray waa dad cadaw ah, waxay rabeenin ay idilaan laakin Ilaah mahadii waan ka badbaaday, ninksa nasoo weeraray madaxiisa iyo wajigiisa waan heynaa waana baareynaa waxa uu yahay, waxaa kale oo la sheegay in maalmahan uu magaalada joogay, ma ahan nin deegaanka u dhashay waa nin deegaano kale ka yimid,” ayuu yiri.

Dhageyso Wareysi Cabdi Qaybdiid

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/01/cabdiqaybdiid.mp3″]

Weerarkaan oo ah kii ugu horeeyey oo noociisa oo kale ah oo lagu weeraro Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Weerarkan waxaa sheegtay Al Shabaab oo galabta soo saaray qoraal ay kaga hadleen arrintaasi, waxaana ay sheegeen inuu fuliyey nin ka mid ahaa dagaalyahanadooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.