Gen Muuse Xasan Cabdulle oo loo doortay gudoomiyaha KMG ee Baarlmaanka Soomaaliya

Gen Muuse Xasan Cabdulle oo ah qofka ugu da’da weyn xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa loo doortay gudoomiyaha kumeelgaarka ee Soomaaliya kaasoo sii gudoomin doona shirarka baarlamaanka,ilaa laga dooranayo Gudoomiyaha rasmiga ah.

Gen Muuse oo ah 72 jir horeyna uga tirsanaa ciidamadii Xooga Dalka ayay dhamaan xubnaha baarlamaanka cusub ee dalka u doorteen inuu si ku meelgaar ah u sii hogaamiyo shirarka baarlamaanka.

Gen Muuse oo hadal kooban ka jeediyey goobta shirka baarlamaanka uu ka socdo ayaa ku dhawaaqay in kalfadhigii ugu horeeyay ee baarlamaanka uu furan yahay laga bilaabo maanta kulan kalana berito ay yeelan doonaan kulan kale.

Gudoomiyaha cusub wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in musharixiinta u tartameysa xilka afhayeenka baarlamaanka ay codsiyadooda ku soo gudbin karaan laga bilaabo maalinta berito ee Talaadada ah illaa Sabtida 25-ka Agoosto. Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in doorashada afhayeenka cusub ay dhacayso xilligaasi.

Madasha shirka waxaa lagu dhaariyey in ka badan 250 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka cusub oo noqnaya xubnihii ugu horeeyay ee baarlamaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here