Gen. Gaafoow: Puntland iyo Somaliland wali waxay taakuleeyaan argagixisada.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, C/laahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku eedeeyey maamulada Somaliland iyo Puntland in ay garab siinayaan waxa uu ugu yeeray argagixisada sababo la xiriira iyaga oo ogolaaday adeegsiga baasaboorka cagaaran.

Baasaboorka cagaaran ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo dalka Soomalaiya laga mamnuucay oo 2009, laakin waxaa si toos ah loo joojiyey sanadki 2011 markaas oo uu dalka si weyn uga dhaqan galay E-Pasport.

Mr. Gaafoow ayaa tilmaamay in isticmaalka baasaboorka cagaaran uu micnihiisu yahay in la taakuleynayo oo garab la siinayo dadka danbiyada galay, kuwa dalka kusoo dhuumanayo iyo wixi la halmaala.

“Puntland iyo Somaliland wali waxay taakuleynayaan argagixisada sababtoo ah baasaboor cagaaran magaalada loogaga shaqeeyo waa magaalo lagu taakuleeynayo argagixisada, sababtoo ah waxaa qaata baasaboorkan argagixisada, dadka dinbiilayaasha, kuwa baxsadka ah iyo kuwa dadka soo dila,” ayuu yiri.

Baasaboorka cagaaran oo ah kii dowladi hore ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu safraa magaalooyinka, Hargeysa, Berbera, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.