Geeli loo iibgeyn jiray Siinka- Dheer oo la mamnuucay


Qilaaf ayaa ka taagan go,aan uu soo saaray maamulka degmada Afgooye oo amray in suuqa Geela lagu iibiyo ee deegaanka Siinka-Dheer loo soo raro degmada Afgooye.

Siinkadheer oo ah deegaan ka mid ah kuwi loo barakacay ee ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa uu ahaa 4-ti sano ee lasoo dhaafay suuqa lagu kala iibsado Geela la keeno magaalada Muqdisho ha noqdeen kuwa la qasho ama kuwa la dhaqdo.

Gudoomiyaha degmada Afgooye ee Dowlada KMG Soomaaliya, Cabdulaahi Cabdi Axmed ayaa sheegay in Afgooye uu xaq u leeyahay in lagu iibiyo geela si ay faa,iido uga soo gasho dadka deegaanka.

“Waxa waaye Geela wuxuu ka yimaadaa gobolkada Koonfureed, Siinkadheer xaq uma lahan in uu noqdo Suuqa Geela lagu kala iibiyo, waxaa xaq u leh degmada Afgooye, dadka deegaanka oo dhan raali ayey ka yihiin dadka raba in arintaasi la joojiyo waa dad dana gaar ah leh,” ayuu yiri.

Arintaasi waxaa cambaareeyey qaar ka mid ah odayaasha kasoo jeedo Afgooye oo ku tilmaamay in uu gudoomiyaha jidgooyo u dhigtay gaali lagu gadi jiray Siinka Dheer.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey oo maamulka ku eedeeyey in ujeedkoodu yahay iska hor keenida qabaa,ilka dego Afgooye.
“Gudoomiyaha wuxuu bilaabay inuu iska horkeeno qabiilaadki daganaa Afgooye oo dhan 23 qabiil uu iska horkeeno, waxaa intaasi dheer in Geeli imaan jiray Muqdisho iyo Siinkadheer uu is hor taagay isla markaana uu.” ayuu yiri.

Maamulka degmada Afgooye ayaa maalmahan waxaa dadka uga imaanay cabasho iyo eedeymo, shalay dibad bax ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay hal ruux 3 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here