Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro (Q. II) W/Q Axmed Sooyaan

Waxaa dadku aad u hadal hayeen intii uu shirka Mbagathi socday wax ka sheegista ergeda Soomaaliyeed, laakiin khilaafaadka iyo in ergeda dhaliilo badan yeelato waxaa inta badan sabab u ahaa faro gelin dibadda kaga imaanaysay, waxaa aad qaska dhinnacooda uga waday ergeda shisheeyaha oo danahooda shirka la dhex joogay, waxaana dhacday in marar badan xataa iyaga dhexdooda ay isku af-garan waayeen kaalinta ay tahay inay shirka ka ciyaaran, laakiin khilaafoodkooda uma muuqan karayn sida kan u dhexeeyay ergeda Soomaaliyeed oo waad qiyaasi karaysaa sida ay u kala duwanaanshaha dabeecadda xaaladda ergeda shisheeyaha ah ee shirka marti gelinaysay ama kharajkiisa bixinaysay, iyo ergeda dagaalsan ee soo burburtay dhaqan ahaan iyo dhismo umadeed ahaanba ee Soomaalida ah.

Waxaa la soo qaadan wixii lagu magacaabi jiray Guddigii Farsmmada(Technical Committee) kaasoo shaqadiisa markii hore lagu sheegay inuu shirka ka caawiyo xagga aqoonta, xallinta khilaafaad, farsamooyinka sida hawlaha shirka u soconayaan, laakiin taasi waxay fududeysay in ergooyinka shisheeyaha ah ay siday doonaan shirka u soo faro geliyaan, iyo in maalin kasta koox ka mid ah ergedii Soomaaliyeed shirka ka carooto, waxayna taas aakhirkii keentay in la bedelo waajibaadkii guddiga loona bixiyo Guddiga Fududeynta (Facilitation Committee), awoodoodana la yareeyay ilaa iyo heerka la gaarsiin karo, laakiin eedaha ergooyinka shisheeyelaga tirsanayay sidaa kuma dhammaan kumana dhammaan karin;

Carlo Ongara, ergaygii Talyaaniga; waxaa had iyo goor lagu eedayniyay inuu gacan saar la lahaa Qabqablayaashii dagaalka ee magaalada Muqdisho, dhowr jeerna waa lagu qabsaday arrimo sabab u noqon karayay in shirka lagu kala tago, waxaana dhowr jeer lagu eedeeyay inuu shirar qarsoodi ah la galay kooxo ka soo jeeday magaalada Muqdisho si ay shirka uga baxaan, laakiin dalka talyaaniga wuxuu safka hore kaga jirtay dalalka Yurub ee bixinayay dhaqaalaha shirka ku baxayay.

David Bell, ergaygii Ingiriiska; waxaa lagu eedayniyay inuu shirka dhexdiisa uga ololeeyniyay goosashada Somaliland, marar badanna hadalo macnahaas tilmaamaya meelo fagaaro ah buu kaga hadlay, wuxuuna aad isu hor taagay in taageero dhaqaale la siiyo dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay haddii kale dhaqaalahaas saamigeeda laga siiyo Somaali land, isagoo waliba mararka qaar ay kooxaha ku eedayniyeen inuu ergeda shisheeyaha ah isu tuso nin uga xog ogaalsan arrimaha Soomaaliya si uu uga dhaadhiciyo in Somaliland ay tahay madax banaan.

Max’ed Cabdi Afeey, ergaygii Kenya; wuxuu si aad ah isugu dayi jiray inaan dhinacna lagu tuhmin kooxaha shirka fadhiya, wauxuu raacayay xeerarka anshaxa ee ergaynimo, ma jeclayn inay hadalladiisa bax-baxaan mararka uu hadlana wuxuu isku koobi jiray anshaxa iyo xirfadda ergaynimmadiisa, wuxuuna xilka shirka inta badan iska xijin jiray guddoomiyaha guud ee shirka Bethuel Abdo Kiplagat oo ahaa gudoomiyaha ay Kenya u soo dooratay inuu shirka guddomiyo, wuxuuna isku taxluujin jiray inuu la hadlo dhammaan kooxaha kala duwan ee shirka fadhiyay, waxaana run ahaantii ka muuqday dareen rabay in shirkaas ay dawlad ka dhalato.

Cabdi-Caziiz Axmed, ergaygii Itoobiya; waxaa lagu eedayniyay inuu kooxdii SRRC si gaar ah gacan saar ula lahaa waxaana dhici jirtay inuu shirar gaar ah la galo, laakiin kaalintiisa shirka waxay ahayd mid aad uu uga muuqdo taxaddar badan, waxaana ku lamaanaa ergay kele oo amxaar ah, waxaana aad u yaraa dhex-galkiisa ergeda, inta bandanna waxaa lagu tuhmayay inuu siyaasadda guud ee dowladaha Afrikaanka ee shirka fadhiya uu ku cadaadinayay in aragtida siyaasadeed ee shirka kula midoobaan Itoobiya, waxaase marar badan si cad la arkayay inuusan shirka keligiis soo fariisan karin marka xaaladuhu adagyihiin oo uusan go’aan keligiis ah ka geli karin inuu ninkaas la socdo mooyee.

Ismaaciil Guulaale, ergaygii Djibouti; guud ahaan dabeecaddiisa kama muuqan inuu xil ergaynimo meesha u joogo, waxaa mar kasta ka muuqday caro iyo inuu kacsanyahay oo uusan deggenayn, wuxuuna si gaar ah ula shiri jiray ergadii dowladdi Carte oo iyagoo kala qaybsamay shirkii Mbagathi soo fariistay, sidaasoo kale wuxuu si gaar ah oo uusan qarsanayn u colaadinayay ergadii Puntland isla markaasna soo dhoweyniyay xubnihii mucaaradka ku ahaa Puntland ee ka soo jeeday maamulkaas, waxaana dhaqanka iyo anshaxa ergaynimo kaga wanaagsanaa guud ahaan ergadana ay is af-garan jireen Max’ed Siyaad Ducaale oo isagana ka mid ahaa ergada Djibouti.

Yohannes Berhe, ergaygii Eritrea; ma jirin kaalin muuqata ama wax ku ool ah xummaan iyo sammaan oo uu shirka ka ciyaariyay, waxayna u ekayd in ergooyinka Afrikaanka ah (IGAD) intooda kale uu ka siyaasad duwanaa, sidaas aawgeedna ay g’odoomiyeen, waxayna xoogaa isu aragti dhowaayeen xagga fikirka kooxaha Soomaaliyeed ee shirka fadhiya, ergada Djibouti iyo dalalka Carabta, qaar ka mid ah ergeda Soomaalida ayaa aaminsanaa inuu danayniyo in dowlad xooggan oo madax-banaan oo Soomaaliyeed ay shirka ka dhalato, hasa yeeshee qaarka kale ayaa qabay ujeeddada uu shirka u joogo inay tahay wax ay ku macneeyeen inay dhisanto dowlad mar kasta colaad kala dhexayso Itoobiya sida dalalka Carabta qaarkoodba ay meesha u joogeen.

Suudaan iyo Uganda; ergadooda shirka kuma lahayn kaalin wax ku ool ah, si joogta ahna uma soo fariisan jirin, waxayna ahaayeen inta badan kuwo kaaba go’aannada ay qaataan xubnaha kale ee IGAD, waxaase jiray tuhun aad u xooggan oo dowladda Suudaan lagu eedayniyay inay gacan siinayso Cabdul-qaasim Salaad Xasan, guud ahaan ergada Soomaaliyeed ee shirka fadhisana tuhun noocaas ayeey ka qabeen si caam ah dowladaha carabta, Uganda ayaa inta badan waxay ergedeeda shirka soo fariisan jirtay marka khilaafaadka kooxaha shirka fadhiya aad u sareeyaan, waxaana waagas muuqday in Uganda ay tahay quwad muhiim ah marka la rabo in la xaliyo khilaafka kooxaha shirka fadhiya.

Jaamacadda Carabta iyo Masar; wax weyn oo saamayn ah kuma lahayn shirka, laakiin kooxihii shirka fadhiyay waxay aad u tuhunsanaayeen inay meesha u joogeen taageerada Cabdi-Qaasim Salaad iyo sii jiritaanka dowladdii Carte lagu soo dhisay, taasoo ay rumaysnaayeen inay ka dambaysay dowladda Djibouti oo iyadu si weyn ugu tirtirsiinaysay dowladaha Carabta arrintaas, waxaa iyadana jiray tuhun ku salaysan in dowladda Masar sababaha ay shirka u fadhiday ay ka mid ahayd in shirka ka soo baxdo laakiin aan gacan saar la lahayn Itoobiya, waana sabab ka mid ahayd sababaha ay u taageeraysay dowladdi Carte lagu soo dhisay.

Sweden; waxay ahayd dowladda keliya ee lagu tilmaami karo wakiiladeeda inay aad u ilaalinayeen anshaxa diplomats-nimada, marka laga eego xagga sida ay ula dhaqmaysay kooxaha Soomaalida ee shirka fadhiyay, isla markaasna waxay kaalinta hore kaga jirtay dhaqaalaha shirka ku baxaya iyo socodsiintiisa, intii uu shirka socdayna marna kama qayb qaadan ama laguma tuhmin inay danaheeda gaarka ah shirka uga dhex dagaalamayso.

Maraykanka; sida aad loo arki karayay ma danaynayn shirka Soomaalida, waxaana la moodayay ama uu u dhaqmayay sidii uu ka yahay Kor-joogto, dabeecad ahaanna waxaa la oran kariyay inuusan rumaysnayn in shirka wax natiijo ah ka soo baxayaan, waxaa marar aan badnayn shirka uga soo qayb geli jiray ergooyin kala duduwan oo aalaaba aan shirka imaan.

Qarmmada Midoobay; Marka laga reebo gacanta ay ka geysanaysay dhaqaalaha shirka ku baxaya, kaalin weyn oo muhiim ah shirka kama aysan ciyaarayn, inta bandanna waxay arrinteeda ku koobanayd dhiiri gelinta shirka iyo inay la socota xaaladaha shirka, laguna sharfo wax kasta o shirka natiijo ahaan ka soo baxa maalin kasta.

QEYBTII 1AAD HALKAAN GUJI

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here