Gedo: Ciidamada Kenya oo dib ugu laabtay deegaanka Ceel-cade

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Ciidamada Amisom ee Kenya ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, maalmo kadib markii halkaasi ay ka saareen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, oo weerar ku qaaday.

Maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa Jimcihii (1/15/2016) weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Kenay ee Ceel-Cadde, halkaasi oo ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya, halka qaar kalena weli la’ yahay, ayaga oo sidoo kalena qabsaday hub.

Ciidamada Kenya ee maanta halkaas ku laabtay ayaan la kulmin wax iska caabin ah, ayada oo wararka ay sheegayaan in maleeshiyada Al-Shabaab aysan halkaas ku sugneyn, marka laga reebo tiro yar oo ay sahan ahaan magaalada uga tageen, kuwaasi oo ka baxay.

Guddoomiyaha Ceelcadde Cabdi Cali Qoorleex, ayaa wehliyey ciidamada Kenya ee maanta halkaas ku laabtay.

Wararka aan heleyno  ayaa sheegaya in qiyaatsii 80% ay dadka shacabka ah ka qaxeen magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here