Gedo: Ciidamada Doowlada oo kaabiga ku haya Buurdhuubo

27Ciidamada Doowlada iyo Kuwa Itoobiya oo kasoo dhaqaaqay Garbahaareey, ayaa lagu soo waramayaa ineey kaabiga ku hayaan meel wax yar u jirta magaalada Buurdhuubo kana tirsan Gobolka Gedo.

Buurdhuubo ayaa kamid ah 2 degmo oo ay shabaab hada ka maamulaan Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in shalay ciidamada wadajirka ah soo dhaafeen dhowr tuulo oo ay kala wareegeen ururka Al Shabaab, isagoo sheegay in labada degmo ee ka maqan gobolkiisa ay gacantooda soo gelin doonaan.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere ayaa xaqiijinaya in dagaalyahano tiro badan oo Al Shabaab ka mid ah ay isku soo shubayaan dhulka u dhexeeya Birta Dheer iyo Buurdhuubo iyagoo doonaya inay iska difaacaan duulaanka ku soo wajahan.

Dadka rayidka ah ayaa la sheegayaa inay aad uga cararayaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ka dib markii Al Shabaab ay ku amartay dadweynaha iyo rayidka inay isaga baxaan deegaanka maadaama ay ku soo fool leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here