GAZZA:Xamaas oo xuseeysa 25-sano guuradii kasoo wareegtay markii la’aas aasay.

Ururka Xamaas oo ah ururka ugu weyn ururada reer Falastiin, ayaa maanta oo Sabti ah waxay xusayaan 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii la’aas aasay, Xafladan loogu dabaaldagayo aas aaska ururka ayaa waxaa markii ugu horeesay ka qeyb galaya madaxa Xafiiska Siyaasada ururkaas ee Khaled Meshaal.

Xafladan lagu xusayo sanad guurada aas aaska ururka Xamaas ayaa waxaalagu wadaa ineey kasoo qayb galaan ilaa 2000 oo reer Falastiin ah, waxayna xaflada kadhaceeysaa meel fagaaro ah islamarkaasna katirsan magaalada GAZZA.

Sidoo kale waxaa qorsheesan in Khaled Meshaal, uu halkaas kajeediyo Khudbad dheer oo taabaneeysa dhinacya badan, sida istiraatiijiyada ururka uga dagsan ladagaalanka Srael.

Saami Abuu Sahri oo ku hadlayay magaca ururka Xamaas ayaa waxa uu yiri “booqashada Khaled Meshaal, waa mirihii kadhashay dagaalka aan lagalnay gumeeysiga”.

Booqashada Meshaal, ayaa imaaneeysa kadib laba isbuuc markii ay Xamaas iyo Srael heshiis xabad joojin ah ku kala saxiixdeen magaalada Qahira ee wadanka Masar.

Taariikhda la’ aas aasay Xamaas:

Ururka Xamaas, waxaa la aas aasay sanadii 1987 markaasoo ay bilaabmeen kacdoona Falastiin ay kaga soo horjeedeen gumeeysiga Yuhuuda, waxayna kabilaabmeen Daanta-galbeed iyo marinka GAZZA.

Xamas, waa ururka ugu weyn ururada milatari ee reer Falastiin, waxay xukumaan marinka GAZZA.

Magaca iyo sumcada ururka Xamaas ayaa kor ukacay sanadkii 2011 markaasoo ay ku guuleeysteen ineey xabsiyada Srael kasoo daayaan maxaabiis reer Falastiin ah oo gaarayay 1,027, waxayna ku badasheen hal Askari oo Sraeli ahaa kaasoo lagu magacaabayay Gilad Shalit.

Waa kuma aas aasaha ururka Xamaas?

Shiikh Axmed Yaasiin, ALLAHA unaxariistee waxa uu ahaa hogaamiyaha ruuxiga ee kooxdan, waxa uu ahaa hogaamiye Cuuryaan ah oo ay adagtahay in la’arko.

Kooxdan Xamaas ee uu Shiikha madaxda usoo ahaa mudo dheer ayaa boqolaal reer Srael ah ku dilay isqarxin iyo weeraro gantaalo loo adeegsaday, waxayna had iyo jeer ku baaqaan in lala dagaalamo gumeeysiga Yuhuuda intii lala hadli lahaa.

Shiikh Axmed Yasin, waxa uu dhashay danadki 1938, waxa uuna kudhashay meel kamid ah Falastiin oo markaas ay gacanta ku hayeen gumeeystihii Ingiriiska.

Axmed Yaasin waxa uu mudo aad ufog kujiray xabsiyada Yuhudua, taasoo calaamad unoqotay kacdoonka Falastiin, laakiin shacbiyada Shiikha ayaa waxaa hoos udhigay shacbiyada uu lahaa hogaamiyihii hore ee ururka Fatax Yasir Arafat ALLAHA unaxariistee.

Shiikh Axmed Yasin ayaa waxaa dilay mid kamid ah diyaaradaha Srael sanadii 2004 22-keedi March.

Hogaamiyaashii Xamaas ee ay Srael qaarijsiay:

=Shiikh Axmed Yasin waxaa lagu dilay weerar Gantaal 2004 22-kii March

= Abdul Aziz al-Rantissi, waxaa ladilay lix isbuuc akdib dilkii Axmed Yasin

= Sidoo kale Srael waxay dishay hogaamiyayaal ay kamid yihiin, Salah Shehada oo ladilay July 2002, iyo  Ismail Abu Shanab oo ladilay  August 2003 iyo  Said Siyam oo lagu dilay Gaza  January 2009.

Kadib geerida ku timid Shiikh Axmed Yasin iyo hogaamiyayaasha aan kor kusoo xusnay, waxaa xafiiska siyaasada ee ururka loo doortay inuu hogaamiyo Khalid Meshaal.

Taariikh nololeedka Khalid Meshaal oo kooban:

1-1956 ayuu ku dhashay Silwad oo ku taal daanta galbeed.

2-1967 isaga iyo qoyskiisa waxa ay uqaxeen wadanka Kuwait, akdib lix maalmood oo uu dagaal socday.

3-1971 waxa uu kamid noqday dagaalyahanada Kacdoonka.

4-1991 waxa uu uguuray wadanka Jordan.

5-1997 waxa uu ka badbaaday isku day dil oo ay soo maleegtay srael.

6-1999 waxa uu uwareegay wadanka Qadar isagoona kasoo guuray Jordan.

7-2001 waxa uu markale u guuray wadanka Syria.

8-2004 waxaa loo magacaabay madaxa xafiiska siyaasada Xamaas kadib markii ladilay Shiikh Axmed Yasin.

9-2012 waxa uu kasoo guuray wadanka Syria siagoona markale soo dagay Qahira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here