Gawaarida AMISOM oo qof rayid ku jiiray Muqdisho

Gawaarida AMISOM oo qof rayid ku jiiray Muqdisho
Gawaarida AMISOM oo qof rayid ku jiiray Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maantomuddo kooban xirneed waddada Makah Al-Mukaram kaddib markii dad careesan ay halkaas isugu soo baxeen iyagoo joojiyay gadidka.

Arrinatan ayaa ka dambeesay markii mid kamid ah gawaarida gaashaaman ee Ciidamada AMISOM ay saaka jiiray qof rayid ah.

Dadka careesan ayaa sheegay in gawaarida markii ay jiireen qofka rayidka ay socodkoodu sii wateen iyadoo aan istaagin.

Dadweynaha isugu soo baxay waddada Makah Al-Mukarama ayaa muddo kooban dhagxaan ku xireen waddada in kastoo markii dambe ay ka ceyriyeen ciidamada boliska.

Dhinaca kale,War lasoo dhigay barta twitterka AMISOM ku leeyihin ayaa raali gelin laga bixiyey shilka, waxaana ka hadlay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Danjiro Anadif ayaa sheegay in ay ka murugeysan yihin shilka naxdinta badna ee uu ku geeriyooday dareewalka, wuxuuna intaas ku daray in ay wadaan baaritaano oo ay la kaashanayaan masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka. Wuxuuna tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday.

Marar badan ayay Ciidamada AMISOM gawaaridooda ku jiireen dad rayid ah, waxaana inta badan u sabab ah xawaaraha sare ay gaadiidka ku socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here