Gary Cahill oo maanta ku biiraya kooxda Chelsea

Daafaca kooxda Bolton Gary Cahill ayaa saacadaha soo aadan ku biiraya kooxda Chelsea ee dalka isaga oo hada ku sugan magaalada London si uu u maro tijaabada caafimaadka.

Waxaa la rumeysanyahay in daafacaan dalka England uu mar hore la heshiiyey kooxda, bale ay isu harsanyihiin labada naadi.

Maamulaha kooxda Chelsea Andre Villas-Boas ayaa goor hore oo todobaadki lasoo dhaafay ah sheegay inuu ku kalsoonyahay in laacibkaan ay ku heli doonaan lacag dhan £7m si uu xagooda ugu soo wareego 16 jirkaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.