Garsooreyaal Soomaali ah oo dhex-dhexaadin doona tartanka CECAFA Cup

CECAFA-Club-Cup-2013 Sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga garsooreyaasha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, Cusmaan Jaamac Diraac. Garsoorayaal Soomaali ayaa dhex-dhexaadin doona cayaara bariga iyo bartamaha Afrika oo dhawaan ka furmaya magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Garsoorayaasha la sheegay in ay dhex-dhexaadin doonan tartankaas ayaa kala ah garsoore Xasan Aadan Wiish iyo Calan-wade Suleymaan Bashiir Sheekh.

Xulalka ka qaybgalaya tartanka waxaaa ka mid ah Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu dhaco inta u dhaxeysa 27-ka bishan ilaa 12-ka bisha soo socota ee December.

Gudoomiye Cusmaan oo la hadlay Radio Bar-Kulan, ayaa sheegay in labadan garsoore ay ka mid yihiin kuwa ugu fiican xilligan qaaradda Africa, isla markaana ay dhex-dhexaadin doonaan kulamo badan.

Aadan Wiish oo horey kulamo caalami ah u dhex-dhexaadiyay ayaa noqon doona garsoore, halka Suleymaan uu ka mid noqon doono calan-wadeyaasha.

Xulka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galaya tartankan isagoo qeybta B kula jira xulalka Burndi, Tanzania iyo Zambia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here