Garsoore Xasan Wiish oo dhexdhexaadinaya kulanka Burundi & Mauritania

Garsoore Xasan Wiish oo dhexdhexaadinaya kulanka Burundi iyo Mauritania.
Xuquuda Sawirka Goalfm

Markii ugu horreysay ayaa garsoore Soomaaliyeed wuxuu dhex dhexaadin doonaa cayaar ka tirsan taranka Qaramada Afrika ee ka socda dalka Koonfur Afrika.

Garsoorahan oo lagu magacaabo Xasan Xaaji Yabarrow Wiish, ayaa loo magacaabay garsooraha koowaad ee qaban doona cayaarta dhexmareysa caawa xulalka Burundi iyo Mauritania.

Garsoore Xasan Wiish ayaa horrey u noqday kaaliye, cayaartii dhex martay Kooxaha Zambia iyo Morocco, wuxuuna muujiyay karti aad u fiican, taas ayaana keentay in caawa uu garsoore ka noqdo cayaarta xulalka Burundi iyo Mauritania.

Xasan ayaa horrey u soo qabqatay cayaaro badan oo ka tirsan tartanka bariga iyo bartamaha Afrika,oo ugu dambeeyay kii ka dhacay Kenya, wuxuna noqday garsooraha kaliye ee bixiyay kaarka casaanka ah.

Waa sharraf marka loo eego dadka Soomaalida, marka ay caawa arkaan garsoore Soomaaliyeed oo dhex dhexaadinaya cayaar caalami ah oo ka tirsan tartanka Qaramada Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here