Garsoore Xasan Wiish oo dhex-dhexaadinaya Uganda & Rwanda

Hassan-WishCecafa11_23Garsoore Soomaaliyeed ayaa galabta dhex-dhexaadin doona cayaar ka tirsan  tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee Kenya ka socda.

Garsoorahan oo lagu magacaabo Xasan Aadan Wiish ayaa dhex-dhexaaadinaya cayaarta kooxaha Uganda iyo Rwanda sida uu BBC-da u sheegay.

Wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu garsoore ka noqdo mid ka mid cayaaraha ugu adag tartanka Cecafa oo si habsami leh uga socda dalka Kenya.

Waxaa kaloo cayaarta galabta Calan-wade ka ah Suleymaan Bashiir Sheekh oo isna ah Soomaali.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Garsoore Xasan Wiish oo uu dhalay guddoomiyihii hore ee xiriirka kubadda kolayga AUN Marxuum Aadan Yabarrow Wiish.

Wuxuu sheegay in uu ku hammi weyn yahay siddii uu u dhex-dhexaadin lahaa koobka adduunka iyo horiyaalada Yurub.

Dhinaca, kale xulka dalkeena Soomaaliya ayaa cayaarta labaad la yeelan doona kooxda Tanzania, kooxaha Tanzania iyo  Zambia ayaa shaley cayaartoodii koobaad ku kala baxay barbardhac 0 iyo 0.

Xulka Soomaaliya ayaa shaley galab looga badiyay 2 iyo 0, waxaana ay ka badisay Burundi.

Garsoore Xasan Aadan Yabarow (Wiish) Waxaan u rajeyneynaa nasiib iyo mustaqbal wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here