Garsoorayaasha Kubadda Cagta Jabuuti oo tababar loo furay

In ka badan25-garsoore oo ah kuwa heerka sare ee dalka Djibouti ayaa ka qaybgalaya tababar caalami ah oo uu bixinaayo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Tababarkan ayaa la sheegay in uu soo qaban qaabiyay xiriirka kubadda cagta dalka Jabuuti, waxaana bixinaya hey khabiir ka socda hey’adda kubadda cagta adduunka maamusha ee FIFA .

Tababarkan ayaa wuxuu ka furmay xarunta Farsamada Qaranka ee dalka Jabuuti.waxaana masuuliyiinta furitaanka tababarka ka hadlay ka mid ahaa Mr. Ahmed El Shenawi oo ka socday saraakiisha horrumarinta garsoorayaasha ee FIFA xarunta Qaahira.

Mr. Ahmed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in tababar heerkan oo kale ay qaataan garsoorayaasha heerka koobaad ee kubadda cagta dalka Jabuuti.

Wuxuuna intaas ku daray Mr, Elshenawi in hey’adda FIFA  ku faraxsan tahay horrumarka dhinaca kubadda cagta ee ku tallaabsada dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta dalka  Djbouti Suleiman Hassan Waberi.

Suyleymaan ayaa sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaan hey’adda FIFA , taasoo tababar heer caalami ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo sharciyada kubadda cagta siineysa garsoorayaasha kubadda cagta dalka Jabuuti.

Wuxuu sheegay in wixii la baro garsoorayaasha dalka Jabuuti lagu dabakhi doono ciyaaraha kubadda dalka Jabuuti sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, dhammaan garsoorayaasha ka qaybgalaya tababarkan oo billowday Sabtidii ayaa ballan qaaday in wixii la baro ay ku dhaqi doonaan ciyaaraha kubadda cagta dalka Jabuuti, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay ka qaybgalaan tababar ay bixineyso hey’adda kubadda cagta aduunka maamusha ee FIFA.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here