Garowe:C/raxmaan Faroole oo xariga kajaray Laami Cusub

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno kamid ah xukumadiisa ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu furay wado dib u dhis lagu sameeyey oo ku taal magaalada Garowe.

Duqa degmada Garoowe Cabdi Casiis Nuur oo hadalka ku horeeyey wuxuu sheegay in samaynta wadadan ay dhinacyo badan iska kaashadeen hadana lagu hawlan yahay mid taa lamid ah oo laami ah oo laga hirgesho Magaalada maadaama ay tahay Caasimadii umada Puntland wuxuuna ku booriyay shacabka in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska dalka si bilicda Magaalada ay u muuqato.

Waddadan laamiga la saaray ayaa loogu magacdaray Shiikh Cabdulqaadir Nuur Farax oo bartamihii bishii lasoo dhaafay lagu dilay maagalada Garowe.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka Beesha Caalamka ku maalgelisay 6 degmo oo kamid ah Puntland oo ay ku jirto degmada Garowe. Waa waddadii ugu horeysay oo laami la saaro magaalada Garowe, waxaana lagu wadaa in wado labaad sidan oo kale loo dhiso sanadkan gudihiisa sida uu sheegay Duqa magaalada Garowe Cabdi Nuur Cilmi.

Madaxweyne Faroole oo halkaasi ka hadlay wuxuu sheegay in wada dan loogu magacdaray sheikh C/qaadir oo ay  argagixisadu ku dileen Magaalada 15kii bishii aynu soo gudubnay si loogu xasuusto sheekha sida uu yiri Madaxweynuhu wuxuuna booriyay habka wadada loo dhisay isagoo guud ahaan socod ku maray Wadada 2badeeda dhinac si uu kormeer ugu sameeyo qaabka loo dhisay, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay suuq cusub oo laga dhisayo Suuqweynaha Inji ee Magaalada Garoowe kaasoo hada hawshiisa la wado.

Waddadan ayaa la sheegay inay ku baxday $150 kun oo dollarka Maraykanka ah. Barnaamijka Joint Program Local Governance (JPLG) ayaa ah mid ay maalgeliyeen wadamo dhowr ah oo kamid ah Midowga Yurub iyo reer Galbeedka iyo hay’adaha sida USAID.

Waxaana lagu maalgeliyey maamulada degmooyinka Puntland inay wax uga qabtaan adeegyada Bulshada iyadoo lagu bixiyey lacag ka badan $12 Milyan oo dollarka Maraykanka ah. Degmooyinka la sheegay in mashaariicdan laga fulinayo ayaa kamid ah Bosaso, Qardho, Badhan, Bander Bayla, Garowe iyo Eyl.

Source:HM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here