Garowe: Wiil & Adeerkiis ku tartamay Kursiga aqalka Hoose Baarlamaanka

wiil & adeerkiis ku tartamay kursi Baarlamaan
wiil & adeerkiis ku tartamay kursi Baarlamaan

Tani waa mid kamid ah dhacdooyinka la yaabka leh ee sanadkaan ka dhacay Doorashooyina Baarlamanka Soomaaliya, waxaana qisadaan ay ka dhacday Doorashadii xubnaha aqalka Hoose Puntland uga mid noqonaya Baarlamanka Soomaaliya.

Kursigaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee aqalka Hoose la doorto, ayaa waxaa la yaab lahayd ineey ku tartamaan wiil iyo adeerkiis oo kala ah: Cali Yuusuf Cali Xoosh & C/rashiid Xasan Yuusuf.

Sidii horay loo saadaaliyay waxaa cod aqlabiyad leh ku guuleeystay Musharixii adeerka kaasoo helay cod dhan 49 cod, halka wiilkii adeerka loo ahaa uu isna helay 1 cod oo keliya.

Waxaa xusid mudan in arrintaan ay u muuqatay Kursi la siiyay Hal Beel oo iyaguna isa sii siiyeen, waana tan keentay in Kursigaan uu kamid noqdo waxyaabaha la yaabka leh ee lagu arkay doorashooyinka aqalada sare & Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here